Faahfaahin Dheerada oo ka soo baxay Qarax caawa ka dhacay Muqdisho+Khasaaraha ka dhashay

0

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan qarax aad u xooganaa oo caawa fiidnimadii laga maqlay  magaalada Muqdisho meelo badan oo ka mid ah.

Qaraxan ayaa ka dhacay wadada isku xidhta Suuqa beerta iyo Dugsiga sare ee 21-ka Oktoobar oo ka tirsan degmada Waaberi-Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa loo adeegsaday miino la dhigay wadada dhinaceeda oo lala beegsaday Gaadhi nooca raaxada ah (Surf) oo xiligaas marayey wadada.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxaas uu ku dhaawacmay nin la socday gaadhigaas oo aan la ogeyn qofka uu ahaa, isla markaana uu khasaare burbur gaadhay gaadhiga.

Ciidamada amaanka Somalia ayaa gaadhay goobtaas, iyagoo xidhay wadada, waxayna wadaan baadhitaano kala duwan, iyadoo mararka qaarkood la maqlayo rasaas ay cirka u ridayaan.