Baaqa ah in la badalo shuruucda qubeyska Mareykanka ka dib cabashada timaha Trump

0

Dowladda Mareykanka ayaa soo jeedisay isbedel lagu sameeyo macnaha qubeyska iyo madax-dhaqashada si loo kordhiyo biyaha tubada ka soo baxaya. Arrintaas waxay ka dhalatay cabashooyiin ka yimid Madaxweyne Trump oo la xiriira timihiisa sida ay maalinkasta yihiin.

Sida uu dhigayo sharcigii 1992-dii, qofka qubeysanaya ee Mareykanka looma ogola in tubada biyaha ay ka soo baxaan wax ka badan cabirka illaa 2.5 gallon, daqiiqaddiiba. Haddii ay heerkaas gaaraan, way ka istaagayaan biyaha.

Maamulka Trump wuxuu doonayaa in xaddigaas uu noqdo mid quseeya cabirka afka tuubada, halkii laga dhigi lahaa wadarta guud ee biyaha.

Dadka u ololeeya in biyaha la yareeyo waxay ku doodayaa in arrintaas ay noqoneyso beerdareynta iyo iyo ku ciyaaridda biyaha iyo arrin aan loo baahnayn in ay tahay.

Isbedelka cusub waxaa Arbacadii soo jeedisay Laanta Tamarta, ka dib cabasho ka soo gaartay Madaxweyne Trump, bishii la soo dhaafay.

“Haddaba qubeyska – waxaad damceysaa in aad qubeysato, biyahana ma soo baxayaan. Haddii aad rabto in aad gacmaha dhaqato, tuubada biyo ma lahan. Haddaba maxaad sameyneysaa? Waa in aad meesha iska taagnaato ama aad ku daahdo qubeyska? Sababtoo ah, timaheyga – kuwaaga ma ogi – waa in ay si fiican u dhaqmaan. Si wanaagsan,” ayuu yiri.

Andrew deLaski, oo ah Agaasimaha kooxda ilaalinta tamarta ee Mashruuca Appliance Standards Awareness, wuxuu sheegay in soojeedinta isbedelka ay tahay “mid nacasnimo ah”.

Haddii cabirka afka tuubada la weyneeyo afar illaa shan, “waxaa soo bixi karta 10 illaa 15 gallon daqiiqaddiiba, waxaa suuragal ahba in biyahaa badan ay ku qaadaan adiga oo suuliga ay kaa saaraan,” ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press.

“Haddii madaxweynaha uu u baahan yahay in laga caawiyo in uu si fiican u qubeysto, waxaan u tilmaami karnaa bogag internet-ka ah oo garab ka siinaya in uu ogaado qubeyska iyo shaambada iyo sida wanaagsan ee madaxa loo dhaqdo,” ayuu hadalka ku sii daray.

Donald Trump has complained that water does not come out fast enough from shower fixtures

David Friedman, oo ah madaxweyne ku xigeenka Hay’adda Warbixinta Macaamiisha, wuxuu sheegay in qaabka qubeyska Mareykanka ayba “gaartay guusha ah qancinta macaamiisha”, iyadoo dadka loo ilaalinayo isticmaalka lacagta.

Soojeedinta cusub ee uu dalbaday Madaxweyne Trump waxaa lala tiigsan doonaa maxkamad, waa haddii ay sii socoto, sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee Reuters.