Nabi Muxammad (NNKH) hadal laga sheegay oo sababay dhimasho iyo dhaawac

0

Saddex ruux ayaa ku dhimatay magaalada Bangalore ee koonfurta dalka Hindiya kaddib markii ay ciidamada booliska rasaas ku fureen dad mudaharaadeyaal ah ooka careysan “aflagaaddo” la sheegay in Nabi Muxammad, Nabadgalyo iyo Naxariis dushiisa ha ahaatee, loogu geystay Facebook.

Dadka isu soo baxay ayaa isugu tagay bannaanka hore ee guri uu leeyahay siyaasi maxalli ah oo qaraabo la ah qofka lagu eedeeyay inuu “aflagaaddada” u geystay nabiga.

Waxay dab qabadsiiyeen gawaadhi, waxayna weerar loo adeegsaday dhagaxyo ku qaadeen ciidamada booliska oo u tagay, sida ay saraakiil ka tirsan booliska u sheegeen BBC Hindi.

Ciidamada ammaanka ayaa xidhay ninka la eedeeyay iyo 110 ka mid ah dadkii mudaharaadayay.

Kamal Pant, oo ah Taliyaha booliska magaalada, ayaa sheegay in ugu yaraan 60 askari oo ay ku jiraan saraakiil sar sare lagu dhaawacay qalalaasaha dhacay habeenkii Talaadada sii baxeysay.

“Bandow ayaa lagu soo rogay labo degmo oo ka tirsan magaalada,” ayuu yidhi.