Wasiirka Khaarajiga ee Xukumadii Somalia ee la riday oo si ka gaadhsiis ah u magacaabay xilal safaaradeed (Diblomaasiyiin) Beel keliya ka soo wada jeeda+Liiska

0

Sii hayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibedda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sameeyey magacaabis is-daba joogo ah xilli xukuumaddii uu ka tirsanaa lagala noqday kalsoonida, lana sugayo dhismaha mid cusub.

Wasiir Cawad ayaa magacabay illaa 8 xubnood oo isugu jiro xoghayeyaal koowaad, Labaad iyo taliyeyaal safiiro oo wadamo kala duwan ah.

Xog ay heshay Warbaahintu ayaa sheegeysa in magacaabistaan la sameeyey kadib dhicitaankii Xukuumaddii uu hoggaaminayey Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre, balse waraaqaha magacaabista lagu taariikheeyey 14 iyo 23 July ee 2020, si looga dhigo in la sameeyey intii ay xukuumadda jirtay, sida ay noo sheegeen xubno ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda.

Xubnaha laga magacaabay ayaa sidoo kale u badan kuwa ku beel ah beesha Daarood, mana cadda waxa lagu saleeyey magacaabistan. Magacayada xubnaha la magacaabay ayaa kala ah:

  1. Nasra Maxamed Maxamuud: Xoghayaha labaad ee safaaradda Soomaaliya ee dalka Canada
  2. Farxaan Maxamed Diiriye: Xoghayaha labaad IT-ga ee safaaradda Soomaalida, Turkiga
  3. Ibraahim Xasan Maxamuud : Xoghayaha koowaad ee Safaaradda Soomaalida dalka Turkiga
  4. Axmed Cabdi Bille: loo dalacsiiyey xoghayaha labaad ee safaaradda Soomaalia, South Afrika
  5. Ayaan Maxamuud Sheekh Xaamid : Xoghayaha koowaad ee safaaradda Soomaalida, Turkiga
  6. Axmed Ceydii Cusmaan: Xoghayaha koowaad ee safaaradda Soomaaliya dalka Cumaan
  7. Culimo Cabdiraxmaan Macalin :La-taliyaha safiirka Safaaradd Soomaaliya ee Talyaaniga
  8. Ibraahim Bashiir Shariif : La-taliyaha koowaad ee safaaradda Somaalida.