96-jir rumeeyay riyadiisii kana qalin jabiyay jaamacad

0

96-jir u dhashay dalkaasi Talyaaniga ayaa rumeeyay riyadiisii waxbarasho kadib markii uu dhawaan ka qalinyabiyay jaamacadda Palermo, isagoona ka qalinjabiyay maadada loo yaqaan filosofi-ga.

Ninkan oo lagu magacaabo Giuseppe Paternò ayaa waxaa yaraantiisii waxbarashada ka hor-istaagay dagaallo, fakhri iyo qoyskiisa.

Macallimiintiisa ayaa ku sifeeyay arday dadaal badan, waxaana ay sheegeen in uu ka mid ahaa ardayda jaamacadda ugu fir-fircoon.

” – Maanta waxaa ay ka mid tahay maalmaha nolosheyda ugu fiican tahay, waxaan jeclaan lahaa in ay halkaan xaaskeyga maanta joogto oo farxadda ila qeybsato. Waxaa ay dhimatay 14 sano ka hor”, ayuu yiri mr. Giuseppe Paternò.

Yaraantiisii ayaa waxaa uu aabihii kala shaqeyn jiray warshad khamriga sameyso, waxaana uu sudii kale usoo shaqeeyay ciidamada xoogga Talyaaniga.

Sannadkii 2017 ayuu jaamacadda ku biiray, isagoona 31 jir uga baxay iskoolka sare.

Iminka waxaa uu hawadiisa doonayaa in uu waxbarashada sii wato islamarkaana uu qaato mastergrad.

” – Hooyaday waxa ay ku geeriyootay 100 sano. Haddii uu nasiibku isaacido islamarkaana dhaxalku wax jira yahay, waxaa nolosha iiga hartay 4 sano”, ayuu yiri Giuseppe.