Saddex arrimood oo uu Joe Biden dhabarka uga jabinayo Donald Trump

0

Joe Biden, oo ah musharraxa xilka madaxweynaha ugu tartamaya xisbiga Dimuqraaddiga ee Mareykanka ayaa dhowr arrimood ku eedeeyay madaxweyne Donald Trump, kuwaasoo dhammaantood la xiriira sida uu uga falceliyay xasaradda cudurka coronavirus.

Mr Biden wuxuu sheegay in madaxweynaha uu amar ku bixiyay in si gaabis ah loo sameeyo baaritaannada coronavirus, inuu ku guul darreystay sidii shaqaalaha caafimaadka loo siin lahaa qalab ku filan oo ka ilaaliya xanuunka, iyo inuu isku dayay hor istaagidda dhaqaalaha lagu bixiyo adeegyada caafimaadka dadweynaha.

Waxaan xaqiiqo baaris ku sameynay arrimahan oo dhan.

Sheegasho: “Madaxweyne Trump wuxuu amar ku bixiyay in laga gaabiyo baaritaanka la xiriira coronavirus.”

Xaqiiqda: Trump wuxuu arrintan ku soo jeediyay khudbad uu meel fagaaro ah ka jeedinayay, laakiin saraakiishu waxay sheegeen inaan wax amar ah lagu siinin xaddidaadda baaritaanka.

Isu soo bax uu Madaxweyne Trump ka qeyb galay 21-kii bishii June ayuu ka ydhi: “Dadkeyga waxaan ku idhi yareeya baaritaanka, fadlan.”

Laakiin markii dambe wuxuu hadalkaas ku tilmaamay “mid uusan micnihiisa dhabta ah ula jeedin sidaas”.

Sidoo kale xog-hayihiisa dhinaca saxaafadda ayaa sheegtay in eraygaas uu ahaa kaftan uu madaxweynaha sameynayay.

Dr Anthony Fauci, oo ah khabiirka cudurrada faafa ee ugu sarreeya Aqalka Cad, ayaa yidhi: “inta aan ka ogahay, qof naga mid ah waligiis laguma amrin in la dabciyo baaritaannada.”

Mareykanka ayaa maalin kasta oo ka mid ah bishii July sameeyay qiyaastii 744,000 baadhitaan, tiradaas oo ka badan tii la sameeyay maalin kasta oo ka mid ah bishii June, oo ahayd 508 baadhitaan, sida laga soo xigtay mashruuca dabagalka Covid-19.

Baadhitaannada ayaa sii batay tan iyo markii uu madaxweyne Trump jeediyay hadalkaas.

Madaxweynaha ayaa baadhitaanka ku qeexay “seef labo af leh”, wuxuuna sheegay in Mareykanka uu u muuqdo mid uu cudurka kusii xoogeysanayo maadaama ay baadhitaannada badan yihiin.

Hase yeeshee, inkastoo baadhitaanka uu kordhay, waxaa sidoo kale batay dadka laga helayo cudurka.

Sidaas darteed baadhitaanka oo kaliya kuma xidhna kororka kiisaska coronavirus.

Sheegasho: “Shaqaalaheenna caafimaadka ma aysan heysanin qalab ka ilaaliya cudurka oo ku filan.”

Xaqiiqda: Waxaa caddeyn loo hayaa in xarumaha caafimaadka qaarkood uu qalabkii ka dhammaaday.

Madaxweyne Trump wuxuu si shakhsi ah u sheegay in maamulkiisa uu badiyay adeegyada lagu bixiyo qalabka la isaga difaaco fayraska, kaasoo sii dhammaanayay markii uu billowday cudurka safmarka ah.

Soo saarista qalabkaas ayaa la badiyay, laakiin Mr Biden wuxuu sheegayaa in wali aan la sameynin dadaal ku filan. Daraasad baadhitaan ah, oo ay 27-kii bishii July daabaceen Ururka Kalkaaliyeyaasha Qaranka – oo ay ku mideysan yihiin 87% ka mid ah kalkaaliyeyaasha ka shaqeeya isbitaallada Mareykanka, ayaa lagu sheegay in dib loo isticmaalo qalabka oo ah mid loogu talagalay in hal mar oo kaliya la adeegsado.

Dalladda Dhakhaatiirta Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay inuu qalabka la isaga difaaco cudurka aad u yaryahay.

Waxaa walaac weyn laga qabaa in xilligan oo kiisaska fayraska ay badan yihiin haddana xarumihii ganacsiga dib loo furayo iyadoo qalabka la isku difaacana uu sii dhammaaday.

Sheegasho: “Madaxweyne Trump wuxuu isku dayay inuu hor istaago dhaqaalaha la siiyo Waaxda Xakameynta Cudurrada.”

Xaqiiqda: Caddeyn ku filan looma hayo.

Mr Biden wuxuu arrintan ku shaaciyay bartiisa Twitter-ka, laakiin ma uusan soo bandhigin wax caddeymo ah oo xaqiijinaya sheegashadiisa.

Waxaan la xiriirnay kooxda ol’olaha u sameyneysa Biden, si aan wax badan uga ogaanno waxyaabaha loo cuskaday eedeyntaas.

Xildhibaannada Mareykanka ayaa hadda ka wada hadlaya adeeg baaxad leh oo wax looga qabanayo dhibaatada coronavirus, waxaana jiray warar ay soo tabinayeen warbaahinta Mareykanka oo sheegaya in maamulka Trump uu u ol’oleynayo sidii loo dhimi lahaa dhaqaalaha ku baxa Waaxda Xakameynta Cudurrada(CDC).

Waaxda CDC waa hay’adda dowladda u qaabilsan adeegyada caafimaad ee dadweynaha, waxayna mas’uuliyiinteeda arrimo badan oo ku saabsan cudurka safmarka ah ku kala ra’yi duwanaayeen madaxweynaha.

Waxyaabaha ugu waaweyn ee ay isku waafaqi waayeen waxaa ka mid ah talooyinka la xiriira dib u furitaanka dalka.

Hase yeeshee, Aqalka Cad wuu beeniyay inuu caqabad ku yahay dhaqaalaha la siiyo Waaxda Xakameynta Cudurrada, wuxuuna yidhi: “Sheegashada ay sameeyeen kooxda Biden waa been abuur. Miisaaniyaddeenna ugu dambeysay, Waaxda CDC waxay ka heshay lacag dhan $635m, waxaana loo sameeyay dhaqaale kordhin u dhiganta 8%.”

Tani waa run, hay’adda CDC waxay heshay dhaqaale kordhin intii uu socday dadaalka looga falcelinayay cudurka safmarka ah.

Miisaaniyadda Maamulka Trump ee sanadka 2021-ka, oo billaaban doonta bisha October ee sanadkan 2020-ka, ayaa markii hore lagu muujiyay in dhaqaalaha laga dhimi doono hay’adda CDC – laakiin hadda waxaa la filayaa in la kordhiyo, waaxyaha kharashkooda la kordhinayana waxaa ka mid ah qeybta la dagaallanka cudurrada faafa.