Wararkii ugu dambeeyey xiisadda Masar iyo Ethiopia ee Nile

0

ADDIS ABABA — 

Shir ay yeesheen xubno ka socday Wasaaradaha Waraabka iyo Biyaha ee dowladaha Masar, Sudan iyo Etheopia oo garwadeen uu ka yahay ururka Midowga Afrika ayaa lagu gorfeeyay xiisadda wabiga Nile.

Shirkaan ayaa lagu wadaa in uu socdo muddo laba todobaad ah, kaasi oo Midowga Afrika ay ku doonayso sidii xal loogu gaari lahaa muranka Biyaha Webiga Nile.

Dhinacyada ayaa isku dayaya inay heshiis ka gaaraan buuxinta biyo-xireenka ay Ethiopia ka sameysay webiga Nile, oo Masar iyo Sudan ay u arkaan halis.

Sudan iyo Masar ayaa labaduba ka walwalsan in biyo-xireenkan oo ku kacaya lacag dhan afar bilyan oo doollar uu u horseedi karo hoos u dhaca biyaha ee ay dalalkoodu helaan.

Mashruucan biya-xireenka ayaa sare u qaaday welwelka ay Masar ka qabto xaddidaad dheeri ah oo ku timaadda biyaha ay ka hesho wabiga Nile oo dadkeeda oo 100 milyan ka badan ay noloshoodu ku tiirsan tahay. Wabiga Niilka Buluugga ah ayaa ah isha ay Masar ka hesho 90% biyaheeda nadiif ah.