Dawlada Sucuudiga oo xafiis ka furanaysa Somalind, Imaaraadka oo xoojiyay xidhiidhka Somaliland Iyo Itoobiya oo….

0

Sida ay diblomaasiyiin u dhuun daloola arimaha geeska Africa iyo dalalka Carabtu ay u xaqiijiyeen shabakada Qarannews, waxa dhawaan ay dawlada Sucuudigu xafiis ganacsi iyo mid siyaasadeedba ay doonaysaa in ay ka samaysato ama furato caasimada Somaliland ee Hargeysa, waxna baryahii u danbeeyay isi soo taraaya xiisaha iyo xidhiidhka ay dawlada Sucuudigu la soo samynayso Somaliland iyada oo ay Somaliland gaadhay xili aan indhaha laga qarsan karin.

Arintani ayuunbaa ku soo beegantay xili ay dawlada Imaaraadku ay sii xoojisay xidhiidhka wada shaqayneed ee ay la leedahay Somaliland taasi oo dawlada Imaaraadku ay ogolaatay in dalkeeda lagu gali doono Passprt-ka Somaliland sidoo kale ay aqoonsatay shahaadada dugsiyada sare ee Somaliland, oo dalkeeda wax barasho lagaga sii wadi karo ama lagaga shaqaysna karaba iyada oo sidoo kale ay Somaliland xafiiskeeda Imaaraadka ay dardar galin hor leh ku samaysay taasi oo soo jiidatay dawlada Imaaraadka.

Dhanka kalena waxa jira dawalada Itoobiya ayaa xoojinaysa xafiiskeeda Hargeysa ay ku leedahay iyada oo wararka ka soo baxaay Adisababa ay sheegayaan in ay Somaliland u diri doonaa safiir buuxa oo ka darjo sareeya kuwii hore u joogi jiray, kadib markii ay dhawaan dalka yimaadeen wafti heer sare ah oo ka socda dalka Itoobiya waftigaasi ayaa ka duwanaa wufuudii hore u iman jirtay dalka oo aan iyagu booqan jirin xafiiskooda Hargeysa hase ahaatee waftigii u danbeeyay ee dalka yimid waxa ay mudo ku sugnaayeen oo booqdeen xafiiskooda Hargeysa kadib markii ay dawlada Somaliland la kulmeen.