BBC Aqoonyahan haysta shahado jaamaceed o shaaha ku kariya dariiqa…………

0

Inta badan dadka wax barta ee jaamacadaha ka qallin jabiya waxaa ay raadiyaan shaqo ay ku kaafiyaan noolashooda, balse Ibraahim Saransoor oo ah nin dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Mandera ee dalka Kenya waa uu ku dhaqaaqay arrin dhif iyo naadir ah oo ay adag tahay in agu arko deegaanada Soomaalida.

Ibraahim oo haysta shaaahadada koowaad jaamacadda , bartayna culluunta horumarinta ayaa sheegay in u lasoo shaqeeyay hey’ado caalami ah, kuwaas oo uu usoo qabtay shaqooyin badan oo ay kamid tahay horumarinta ganacsiyada yaryar.

“Markii aan waayay shaqo ayaa waxan u baxsaday xirfadeydii hore, oo hadda waxaan ka shaqeeyaa oo aan iibiyaa shaaha, shurbadda ama mushaarida iyo oodkaca ama colobta”, ayuu yiri Ibraahiim Maxamed Cali oo ku magac dheer Saransoor oo la hadlayay BBC-da.

Waxaa kale oo uu sheegay in haatan uu shaqeysto, xornimo dhaqaalena uu dareemay kadib markii sida uu sheegay uu ku gaaray isku filnaansho. Ibraahim ayaa sidoo kale sheegay in ujeedada uu jaamcadda uga soo qallin jabiyay ay ahayd sidii uu u bilaabi lahaa shaqooyinka yaryar, kaidbna uu horumariyo.

Markii aan koob dhaqay, shaah, shurbad iyo muqmad dadka macaamiisha ah ka iibiyay, maacuunteydana aan dhaqay ayaa dareemay in aan xor noqdo”, ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Dhallinyarada ayuu sheegay in looga baahan yahay in ay isku tashadaan oo aysan u joojinin shaqo la’aanta.

Waxaa kale oo uu sheegay in dadka marka ay arkaan ay ku qoslaan oo ay la yaabaan, halka qaarna ay u arkaan in ay tahay shaqo liidata.

Shaqada shaah karinta ayaa ah mid inta badn looga bartay dumarka, waxaana adag in la arko rag ku dhiirada in ay shaqooyinkaas qabtaan.

Dalka Kenya oo uu Ibraahim wax ku bartay ayaa waxaa aad ugu badan shaqo la’aanta, waxaana dhallinyara badan ku dhacda in ay shaqo la’aan soo istaagaan marka ay waxbarashada dhameeyaan.