Xoolo Gaadhay 500 LO,ah Kuna xaniban Dekada Berbera 15 saacadood e ugu danbeeyay,

0

Deg Deg War,

Xoolo Gaadhay 500 LO,ah  Kuna xaniban  Dekada Berbera  15 saacadood e ugu danbeeyay,

Dekada Berbera  waxaa Ku xaniban Xoolo  Loo rari Laha wadanka Cumaan  o ah isha kaliya e Xoolaha  ka Dhoofa Somaliland u Furan,

Ganacsadae Cabdi raxmaan  Maxamed Xuseen  { Shitaar } Ayana Khadka Telofanka Noogu Xaqiijiyay  in Xoolahan o Galay Dekada Shalay 5 galabnimo  ay wali ku xaniban yihiin dekada dhexdeeda waxanu intaa ku daray in markii hore  ciladi ku timid Wiishka  Rara Lo,da laalkiin Markiii La Hgaajiyay  u Amar Bixiyay   Isuduwaha Wasaarada xanaanada Xoolaha iyo kaluumaysiga e Gobolka Saaxil Axmed Xaaji cabdilaahi {Axmed loojee}  Isagoo Yidhi Xoolaha Dib halloo Celiyo,

Ganacsadae Shitar ayaana  ku tilmaamay  in tacadi loo gaysnanayo Xoolaha iyo ganacstada leh waayo ayuu yidhi Waxaynu ku jirna Xili xagaa aha  Xoolahana  habeenkii ayaa la raraaa  dabcana maanta Isha kaliya e Xoolaha Somaliland  u Furan waa wadanka Cumaan  o aan marnaba istaagin  Waxaanu nasiib daro ku Tilmaamay in Isuduwaha wasaarada xananada Xooal  e G saaxil  Axmed xaaji Cabdilaahi  u Amar  iska Rido iasagoon Dhinacnaba  xaaladooda Eegin,

Ganacsadae Shitaar Ayaa hadalkiisa Wuxuu ku soo xidhay Waxaan baaaq u Diraynaa Ayuu Yidhi wasiirka wasaaarada xanaanad xoola iyo kaluumaysiga Somaliland in u Arinkana Xoolaha hoos loo  Eego o Sidii Barigii Hore loogu Adeegi Jiray gamacsatada Xoolaha  dib loosoo celiyo,

Hadaba waxaanu isku daynay in aanu Khadka Teloofanka wax kaga waydiino Eedaymahan ay ganacsatada Xooluhu u jeediyan Isuduwe Axmed loojee Laakiin Telofanka Wuu qaban waayay