Wasiir Warfaafinta Somalia oo Badka soo dhigay Sir hoose oo u qarsoonayd Farmaajo & Dadka ku dhawdhaw

0

Mudane Maxamed Cabdi Maxamed Xayir (Maareeye) oo ka hadlayey cudurka faafa ee Coronavirus/Covid-19 ayaa shalay sheegay in dowladda federaalku qof kasta oo dhinta ay u aqoonsan tahay inuu dilay Coronavirus.

Hadalka Wasiir Maareeye ayaa ku soo aadaya xili xasaasi ah oo bulshada qaarkood ay shiki badan ka qabeen in wax ka qaldan yihiin tirada xad dhaafka ah ee la sheegay inuu dalka ku dilay Coronavirus.

Dadka uu gudaha Soomaaliya ku dilay cudurka faafa ee Coronavirus ayaa gaadhey 28-qof, halka Kiisaska guud ay yihiin 601, sida ay shaacisay Wasaarada caafimaadka Soomaaliya, iyada oo la filayo inay sare u sii kacdo saacadaha soo socdo tiradaasi, maadama ay Wasaaradu soo saarto warbixin maalinle ah oo ku saabsan xaalada Coronaha ee dalka.

Tirada dhimashada Soomaaliya ee Coronavirus ayaa hogaanka u haysa dalalka geeska Afrika oo iyagu ay cudurkaasi uga geeriyoodeen tiro ka yar mida Soomaaliya, taasi oo soo if-bixisay labo arrin, oo midood ay dabada ku hayso adeeg xumada caafimaad ee ka jirta Soomaaliya.

Iyada oo dad badana ay aaminsan yihiin in hadalka Maareeye uu cadeyn u yahay in dowladdu liiska dhimashada iskaga darsato dad badan oo aan la marin hubin caafimaad oo la xiriirta cudurkaasi, inkasta oo Wasiirada caafimaadku ay dhowr jeer ku dooday in qofkasta oo liiska Coronaha ku jira lagu shaaciyay kadib markii baaritaan la mariyo.

Hadalka Wasiir Maareeye ee uu ku sheegay in ‘dowladdu qof kasta oo dhinta u aqoonsan tahay inuu dilay Coronavirus’, ayaa sidoo kale soo shaac bixinaya qorshe culus oo ay ka leedahay dowladda federaalku, kaasi oo lagu rabo in xad ka bax laga dhigo tirada dhimashada ee cudurkaasi, iyada oo aan la xaqiijin.

Siyaasiyiinta qaar ayaa sheegay in dowladdu ay uga dan leedahay korarka Kiisaska Coronaha iyo kuwa dhimashada, si ay fursad ugu hesho muddo korodhsi, ama lacag looga qaato hay’ado caalami ah, taasi oo ay si madax banaan u xaqiijin karin Caasimada Online, walow waqti xaadirkan ay muuqato eedeymaha mucaaridka dowladda ugu jeedinayaan muddo korodhsiga ee la xiriirta Coronaha.

Dhawaaqa kasoo yeeray Wasiir Maareeye ayaa sumcad xumo weyn usoo jiidaya dowladda federaalka, iyada oo aan la cadeyn karin inay hadalkaasi kula socdaan Mas’uuliyiinta ugu sareysa dalka, isla markaana ay tahay qorshe jira oo kasoo fakaday afka wasiirka.

Waxaana xusid mudan in tirada Kiisaska Coronaha ee dalku ay maalinba maalinta kasii dambeyso sii kordheyso, iyada oo Wasaarada caafimaadkuna ay shaaciso dad hor leh oo uu soo ritay cudurkaasi iyo kuwa kale oo uu galaaftay noloshooda.