Maxkamada Ciidamada Millatariga Somaliland Oo Xukuntay 5 Askari Oo Ka Tirsan Ciidanka Booliska,

0

Maxkamadda ciidamada millatariga Somaliland ayaa ku xukuntay shan askari oo ka tirsan ciidanka Booliska Somaliland xabsi u dhaxeeya 10 sano illaa 12 sano.

Askartan ayaa lagu helay dambi ah: awood sheegasho iyo laaluush qaadasho, iyadoo ay soo dacweysay gabadh muwaadinad ah oo kiiskooda dhibbane ka ahayd.

Kiiska askartan iyo gabadha ayaa ka dhacay magaalada Hargeysa.