KASHIFAAD: Halkee laga keenay warka Wargeysyada Kenya faafiyeen ee lagu eedeeyay Hay’adda NISA..?

0

Wargeysyada dalka Kenya ayaa qoray warbixin ku eedeyneysa Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA inay la shaqeyso Alshabaab, ayna dhaqaale ku siiso si ay weeraro uga geystaan gudaha dalka Kenya.

Qoraalka oo ay faafiyeen wargeysyada The Star iyo Standard wuxuu salka ku hayaa warbixin laga soo xigtay ilo kala duwan, isla markaana ujeedkeedu yahay in lagu sii xumeey xiriirka labada dal, waxaase la ogaaday in warbixinta asalkeeda laga soo xigtay Bogga Facebook-ga ee “Mudaaharaadka 7 Of February” oo lagu dacaayadeedyo dowladda Soomaaliya ee hadda jirta.Ad

Warbixinta waxaa lagu soo qaaday qoraallo uu faafiyey

Waxaa warbixinta Wargeyska ay sheegtay in jeeg lacag 1.5 Milyan Doolar uu Alshabaab u diray sarkaal ka tirsan NISA (C/llaahi Kulane), waxayn runtu tahay Xaashida ka muuqata warbixinta ay tahay Warqad lacag bixin xawaaladeed oo la been abuuray.

Sarkaalka Alshabaab ee loo diray lacagta sida lagu qoray Bogga faacebook markii telefoonka la sheegay inuu uu leeyahay la waxay, wuxuu noqday telefoon shaqeynaya oo qof haweeney ah ay leedahay.

Khubaro iyo aqoonyahanno kala duwan oo uu ka mid yahay Jay Bahadur oo hore u ahaa xiriiryaha Guddigii cunaqabateynta Q/Midoobay ee Monitoring Group ayaa warbixintan ku tilmaamay mid been abuur ah, isagoo cadeymo soo bandhigay.

Waxaa la yaab leh in Soomaali badan iyo saxaafadda qaarkeed ay warkaasi sii faafiyeen iyadoo qaarkood sheegaya inay dowladda Kenya ku eedeysay Hay’adda NISA inay taagerto Alshabaab.

boggaasi oo ay ka mid tahay Warqad xawaaladda ah oo lagu sheegay in lacag loogu diray sarkaal ka tirsan Alshabaab, lacagtaas oo sida loo qoray ay khaldan tahay, una muuqato mid aan macquul ahayn oo dhan (Milyan iyo shan boqol kun doolar-, waxayna u qoran tahay 1500,000.