Deg Boqortooyada Sucuudiga o dib ufuray Xoolihii Geeska Afrika uga dhoofi jiray, Khastana Somaliland iyo somaliya

0

Dawladda Sucuudi Carabiya ayaa sheegtay in xilligan si ku meelgaadh ah Xoolaha Soomaalida loogu furay suuqyada Dalkaasi in loo dhoofiyo.

Wasaaradda deegaanka, Biyaha iyo Beeraha ayaa go’aamisay in loo baahan yahay (600.000)Oo Adhi Ah Iyo100,000 oo Neef oo Geel Ah Kuwaas oo muddo 30 gudahood ah ah Kutagaya Dalkaas Sucuudiga.

In ka badan saddex sano ayuu xidhnaa Suuqa xoolaha Soomaalida ee sucuudiga loo dhoofiyo, marka laga reebo xilliga xajka oo si kooban loo furi jiray xoolo kooban oo kuwa xajka ahna la rari jiray.

Sidoo kale Sucuudigu wuxuu fasaxay badeecado ganacsi oo ka iman jiray dalal kala duwan kuwaasi oo ka xanibnaa ama laga joojiyay in dalkaasi loo dhoofiyo.

Arrintaasi ayaa salka ku haysa saamaynta ay dalkaasi ku yeesheen xanibaadaha caalmiga ah ee Cudurka Coronavirus, gaar ahaan dhanka amniga iyo cunada