Deg Deg War, Markabkii Koonteenarada e 12 Casho Xanibnaa o Xal Laga Gaadhay

0

Deg Deg  War, Markabkii Koonteenarada e 12 Casho Xanibnaa,

Markabkii u rarnaa ganacsatada Somaliland e Mudada 12 casho ah ku xanibna Haabada  Dekada Berbera  aya daqiiqadihii inasoo dhaaafay  xal laga gadhay, kadib markii  sadexdii casho e u danbeeyay   wadhadalo  sadex geesood ahi ay dhex marayeen Maareeyaha Guud e Dekadaha  Somaliland Siciid xasn cabdilaahi, wasiirka wasarada ganacsiga iyo warshadaha maxamed xasn saajin  iyo  Labada daraf e  Xisaabta isku hayay e  Shirkada Oomaar o wakiila Markabka xanibna  iyo Dp World,

Kabtan Yuusuf Cali Nuur warkan No Xaqiijiyay Ahna Gudoomiyaha ganacsatada  Somaliland  aya  yidhi, Markabkii Aroorta aya Lasoo Lagusoo xidhaya Dekada Berbera, waxaanu u mahad naqaynaa  Maareeyaha Dekadah Somaliland  Siciid  xasan, wasiirka  Wasaarada ganacsiga iyo warshadaha Maxamed xasn saajin iyo Rugta ganacsiga e Somaliland  sida  hawlakr nimada ah e ay uga shaqeeyeen in xal la gaadho si ganacsatadu alabadooda ugala degaan markabka,

Shxnada Markabkan saarnayd o dhamyd 890 koonteeenar  ayaa ahayd tii ganacsatadu ugu talo gashay bisha ramadaan , waxana kamid aha raashin, Timir Dawooyin iyo Agab kale kale o nolasha daruuri u ah,