Maamulka magaalo ku taalla dalka Shiinaha ayaa mamnuucay in la cuno hilibka eeyaha iyo bisadaha.
Shenzhen waa magaaladii ugu horreysay ee Shiinaha ku taalla ee ku dhawaaqday in la mamnuucay hilibka bisadaha iyo eeyaha.
Waxay arrintani imaaneysaa kaddib markii isticmaalka hilibka xayawaanada duur joogta ah lala xiriiriyay cudurka Corona, waxay arrintani horseeday in saraakiisha Shiinaha ay mamnuuceen hilibka xayawaanada duurjoogta ah.

Sharciga maamulka Shenzhen uu ku mamnuucay cunidda hilibka bisadaha iyo eeyaha ayaa dhaqan galayaa 1-da bisha May ee sannadkan.
Guud ahaan qaaradda Aasiya, waxaa sannad kasta laga qashaa 30 Malyan oo eey ah, sida laga soo xigtay ha’yadda Humane Society International (HSI).
Ururada u doodo xuquuqda xayawaanada ayaa bogaadiyay tallaabadan ay magaaladaas ku mamnuucday cunidda hilibka eeyaha iyo bisadaha.
Bishii Febraayo ayay aheyd markii mas’uuliyiinta Shiinaha ay mamnuuceen cunidda iyo ka ganacsiga hilibka xayawaanada duur joogta ah.
Waxay tallaabadan timid markii ay soo baxeen wararka ah in suuq ku yaalla magaalada Wuhan lagu iibiyo hilibka xayawaanada duur joogta ah, arrintaas oo ay suuragal tahay inuu ka bilowday cudurka Corona, waxayna taas horseeday in feyraska uu usoo gudbo banii’aadanka.