WAR DEG DEG AH:-Taliyaha Laanta Socdaalka Wajaale Oo Shaaciyay Wakhtiga Kama Danbaysa Ah Ee La Joojiyay Socdaalka Rakaabka ah Ee Isaga Gooshaya Somaliland iyo Itoobiya.

0

)-Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley Cabdirashiid Axmed Xasan ayaa Goor-dhaweyd Shaaciyay in ay Xidhayaan Xuduudka u Dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya Lixda Galabnimo ee Maanta Wixii ka Dambeeya, Rakaabka iyo Dadweynaha ukala Socdaalka Labada Dal Somaliland iyo Itoobiya.

Gaashaanle/Cabdirashiid Axmed Xasan(Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley ee Fadhigiisu yahey Tog-Wajaale oo Warbaahinta lahadley,ayaa Sheegay in ay Fulinayaan ka Ciidan ahaan Awaamiirtii Gudida Heer Qaran ee ka Hortaga Crona-Virus sidaa daraadeedna Lixda Galabnimo Wixii ka Dambeeya uu Xidhan Yahey Xuduudka u Dhexeeya Labada Somaliland iyo Itoobiya, oo ah Dadweynaha Rakaabka ah ee ukala Socdaala Labada dal oo aan aheyn Ganacsiga u Dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.
«Waxaanu ku Wargalinaynaa Dadweynaha Reer Somaliland in ay iska dhawraan Socdaalka tan iyo inta ay ka Dhamaanayso Mudada loo qabtey anakuna anagoo ah Saraakiishii Socdaalka Xuduuda u dhexeysa Labada Dawladood Somaliland, iyo Itoobiya, Waxa la Xidhey Lixdii Galabnimo Wixii ka Dambeeya, oo aan la ogolayn Dadweynaha Rakaabka ah oo aan aheyn Ganacsiga caadiga ah ee u Dhexeeya Labadda Dawlladood anakoo fulinayna Awaamiirtii kasoo baxey Gudida Heer Qaran Waanu joojinay Dadweynihii Rakaabka labada Dhinac Lixda Galabnimo Wixii ka Dambeeya Xuduudku Wuu Xidhan Yahey»