Wararka ka imanaya Sudan ayaa sheegaya in Ra’iisal wasaare Cabdalla Xamduuk oo ka badbaaday isku-day lagu dili rabay.
Telefishinka dowladda iyo xubin ka tirsan golaha wasiirada ee dalkaasi ayaa sheegay in kolonyo uu la socday ra’iisal wasaaraha lagu weerarray caasimadda Khartuum.
Xaaska Mr Xamduuk ayaa website maxalli ah u sheegtay in la isku-dayay in la qarxiyo gaariga uu la socday ra’iisal wasaaraha.

Waxa ay intaa ku dartay in uu badqabo oo uu fiican yahay. Ra’iisal wasaaraha ayaa la geeyay goob ammaan ah oo aan la shaacin.
Saraakiisha waxay sheegeen in ra’iisul wasaaraha uu ka badbaaday isku day dil xilli kolonyo uu la socday lagu weeraray gudaha magaalada caasimadda ah ee Khartuum.
Warbaahinta dowladda ayaa ku warrantay in kolonyada uu la socday ra’iisul wasaaraha Suudaan lala beegsaday qarax iyo hub culus.
Sidoo kale warbaahinta ayaa soo bandhigtay sawirro muujinaya dhowr baabuur oo burburtay.
Xafiiska rai’isul wasaaraha wuxuu sheegay in cidna aysan dhibaato kasoo gaarin weerarka.
“Waxaan u xaqiijinayaa shacabka Suudaan in aan badqabo, xaaladdeyda caafimaad wey wanaagsantahay” ayuu yiri Cabdalla Xamduuk oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka.