Aqoonyahan siyaasi jamaal A xuseenWaa Maxay Sababta Shacabku Udhibi La,adahay Hadaladda Iyo Balan Furista Masuuliyiinta Ay Xilalka Udhiibteen

0

Aqoonyahan Jamaal Cali Xusen ayaa faalo koban uu bartiisa Facebooka Soo dhigay kaga hadlay Sababta ay shacabka Somaliland udhibiweyday shacabka Somaliland balan furiada iska soo daba dhacaya ee Madaxda ay xilalka udhiibtaan ku kacaan waxa kaloo Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen sheegay inaan wax la aqaadan karoo ciyaar ciyaar ah ahayn balan furida ay Masuuliyiinta xilalka qaranka Hayaa ku kacaan.

Qoraalka Uu Bartiisa Facebooka soo dhigay aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa sidan Udhignaa”

Waa maxay sababta shacabku ay u dhibi laadahay hadaladda iyo balan furista masuuliyiinta ay xilalka u dhiibteen. Qofka hogaamiyaha ah qawlkiisa iyo balan qaadkiisa iyo hadalkiisu maaha ciyaar ee waa in miisaan weyn la saaraa si aanay mar danbe ugu noqonin wax balan furis ah Oo hadalka ay leeyahiin mid macno leh u noqdo. Laakiin kolka ay bulshadu raali kaga tahay balan furka, beenta, iyo hadaladda iska soo horjeeda Oo ay weliba sacab Ugu darayso kii tobanka jeer balan furka iyo beenta isu qooshay, Ma waxay Kula tahay in aynu helayno hogaamiyayaal qiyam, Allah ka qabsi iyo damiir nool leh? Shacabku ha Kula xisaabtamaan wax kasta madaxda ay xilalka u dhiibteen haday doonayaan madax hagaagta Oo dalka horumar gaadhsiisa haddii kale waa ” Waar iley darka iiga baydh
Uunbaa loo dabaal degay”