BBC Haweeyney Nigerian ah oo ku nool gobolka Muslimiinta oo mar qura laba nin wadaguursatay

0

Sheeko jaceyl oo culus ayaa waxaa laga soo tabinayaa gobolka waqooyi ee waddanka Nigeria ee Kano, halkaas oo laba nin oo kala duwan ay wadaguursadeen hal gabar.

Arrinta muranka badan dhalisay ayaa waxaa sal u ah 32-jirka lagu magacaabo Xaawo Cali Mariri, taas oo haatan halis ugu jirta in la ciqaabo haddii lagu helo dambiga ah inay marin habaabisay labada nin.

Kano waa mid ka mid ah dhowr gobo loo Nigeria ah oo Shareecada lagu dhaqo ama qaanuunka Islaamka, halkaas oo ay dambi tahay in haweenaydu ay guursato in ka badan hal nin.

Xaaladdu waxa ay sii xumaatay markii Bello Ibraahim, oo 40-jir ah, ahna ninkii koobaad ee Mariri, uu gurigiisa dib ugu soo laabtay kaddibna uu arkay nin kale oo sariirtiisa ku jiifa.

Ibraahim aad ayuu u xanuunsaday waxa uuna u safray tuuladiisa si halkaas loogu soo daweeyo halkaas oo uu ku soo qaaty laba sanadood.

Waxa uu Mariri ku eedeeyay in intii uu maqnaa ay guursatay isagoo aanan arrintaas waxba ka ogayn.

Hasayeeshee waxa ay BBCda u sheegtay inuu ninkaasi furay.

“Waxa uu yiri waan ku furay ka hor inta uusan magaaladiisa u safrin. Taasna waa sababta aan Bala u guursaday, waxaan dareemay inaan ahay haweeney xor ah kaddib markii uu I furay,” ayey tiri.

Ibraahim arrintaas waa uu diiday, isagoo sheegay in uusan weligii furin welina uu u arko inay xaaskiisa tahay.

Waxa ay isguursadeen 17 sanadood ka hor oo waxa ay isu dhaleen lix carruur ah.

“Weligay ma aanan furin. Haddii ay taas ku adkaysato aaway caddaynteeda, aaway warqadda aan u qoray?”

Inta badan furriinka waqooyiga Nigeria ayaa badanaa lagu fuliyaa cod ama warqad la qoray.

Ibraahim oo aad u niyadjabay ayaa arrinta waxa uu geeyay booliska Shareecada ee gobolkaasi halkaas oo sheekadan jaceylka ee aan caadiga ahayn haatan la baarayo iyadoo su’aalo la waydiiyay dhammaan saddexda qofba.

Bala Abdusalam, oo ah 35 jir, waa ninka labaad ee sheekadan ee, ayaa sheegay in Mariri ay u sheegtay in ninkeedii uu furay oo ay isguursan karaan.

Waxa uu sheegay inuu u diray 20,000 naira – lacagta Nigeria – oo u dhiganta ($50; £40), taas oo ay ku jirto yaradkii haweenaydaas.

“Magaalada ayaan ka baxay markaan lacagta u soo dirayay, markaan Kano ku soo laabtay, xaaskeyga ayeyba aheyd,” ayuu BBCda u sheegay.