bbc Itoobiya oo looga digay cawaaqibka xidhxidhidda mucaaradka

0

Ururka dunida sumacadda ku leh ee u dooda xuquuqda aadanaha, Amnesty International aya sheegay in ugu yraan 75 qof oo taageerayaasha ururka Oromo Liberation Front (OLF) ah lagu xidhay Itoobiya, iyada oo ay sii xoogaysanayso gacanta adage e lagu hayo dadka qaba aragtida siyaasadeed ee mucaaradka ah doorashooyinka guud ee dalkaas ka dhici doona ka hor.

“Soo noqoshada xadhigga tirada badan ee dadka u ololeeya mucaaradka iyo taageerayaashooduba waa astaan walaac abuuraysa oo Itoobiya ka jirta” ayaa lagu sheegay warbixinta Amnesty.

Qabqabashadaa baahsani waxay noqon kartaa halis wiiqi karta xorriyada ra’yiga iyo isku imaanshaha iyada oo ay doorashooyinkk 2020 soo dhaw yihiin” ayuu yidhi Deprose Muchena oo ah agaasimaha Bariga iyo Koonfurta Afrika ee Amnesty.

Bilowgii todobaadkan ayaa qabqabashadaasi ka dhacday gobolka Oromia oo dhan oo ay ka mid yihiin magaalooyinka Finchawa iyo Shambu, ayay intaa ku dartay Amensty.

Dadka la xidhay waxaa ka mid ah gabadh siyaasadda u ololaysa oo la yidhaa Chaltu Takele. Booliska ayaa u daatay guria waalidkeed oo ku yaal Shambu shantii subaxnimo ee Axaddii oo xidhay, ayay tidhi hay’addu.