Mareykanka oo war ka soo saaray weerar ay A-Shabab ku qaadeen saldhig ku yaalla Kenya

0

Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay weerar saaka lagu qaaday saldhiga Manda Bay oo ku yaalla deegaanka Lamu ee gobolka xeebta Kenya.

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in uu jiro weerar ay Al-Shabab ku qaadeen Saldhigaasi

Bayaanka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in Militariga Kenya iyo kuwa Mareykanka ay iska caabiyeen weerarkaasi Al-Shabab.

Warka qoraal ah ee ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee (AFRICOM) ayaa lagu beeniyay sheegashada Al-Shabab ee ah in weerarkaasi ay khasaaro ku geysteen taasi oo Mareykanka ku tilmaameen “buun-buunin,”.

“Al-Shabaab waxay miciin bideen been, si ay sare ugu qaadaan sumcadooda ayna u abuuraan cinwaano been abuur ah,” waxaa sidaasi sheegay Janaraal William Gayler, oo ah agaasimaha (AFRICOM) .

“Waa muhim in looga hortago Al-Shabab meesha ay joogaan si looga hortago fidida Kansarka” ayaa intaa ku daray.

“Al-Shabaab waa urur argagixiso oo arxan,” ayuu yiri Janaraal Gayler.”

Bayaanka ay Mareykanka soo saareen ayaa lagu xusay inuu jiro waxyeelo dhanka qalabka ah oo weerarkaasi ka dhashay ayna imika socoto qiimeynta arrintaasi,islamarkana faafaahinta dib laga soo sheegi doono.

Dagaalyahannada ururka Al-Shabaab ayaa weerrar ku ekeeyay saldhig ay leeyihiin ciidammada badda oo ku yaal deegaanka Lamu ee waddanka Kenya, kaas oo ay wada deggan yihiin ciidammada Mareykanka iyo Kenya.

Weerrarka lagu qaaday saldhigga Simba ee degmada Manda Bay ayaa waxa uu dhacay waxyar un ka hor inta uusan waaga baryin.

Sarkaal ka tirsan dowladda deegaankaas oo lagu magacaabo Irungu Macharia, ayaa sheegay in ciidammada ammaanka ay weli ku jiraan howlgalka hasayeeshee waxa uu diiday inuu xaqiijiyo inay jirto cid weerrarkaas ku waxyeelowday.

ad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ay maqleen qarax kaddibna ay xigtay rasaas goobta ka dhacaysa.

Bar internet-ka ah oo lala xiriiriyay ururka Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegtay in qeybta isqarxinta ee ururkaasi ay khasaare culus gaarsiiyeen saldhiggaasi oo qeyba ka mid ah ay qabsadeen, waa sida ay bartaasi warka u dhigtayee.

Ururka Al-Shabaab oo xiriir la leh ururweynaha Al-Qaacidah ayaa dagaal kula jira dowladda Soomaaliya ee ay baritaarto Qaramada Midoobay, waxa ayna gudaha Soomaaliya ka gaystaan weerraro ay dad badan ku dhintaan.

Waxaa ugu dambeeyay qaraxii 28-kii bishii Diseembar ka dhacay bar koontarool oo ku taal magaalada Muqdisho, halkaas oo inta la og yahay naftooda ay ku waayeen in ka badan 80 qof.

Sidoo kale in ka badan 120 qof oo kale ayaa ku dhaawacantay qaraxaas oo ka dhacay isgoys aad u mashquul badan, waxaana weli jira dad aanan nolol iyo geeri midna lagu hayn.

Dadka qaraxaas ku dhintay waxaa ka mid ah laba qof oo u dhalatay Turkiga, sida ay xaqiijisay safaaraddooda Muqdisho oo barteeda Twitter-ka ku qortay arrintaas.