Diyarada Ethiopia airline ayaa fiidkii xalay fadhiisan kari wayday garoonka diyaaradaha hargaysa, maxase sababay

0

Diyaaradu waxay isla caawa dib ugu celisay rakaabkii magaaladii ay kasoo duushay. Diyaarada oo la doonayey inay Madaarka Cago-dhigato salaadii Cishaa’i ayaa Duuliyuhu ku wargeliyey rakaabkii in dhabaha diyaaradu bilaa laydh yahay islamarkaana badbaadada rakaabka darteed ay dib ugu laabanayaan magaalada Addis Ababa.
Diyaaradu waxay isla caawa dib ugu celisay rakaabkii magaaladii ay kasoo qaaday. Maaha markii u horeysay ee Diyaaraduhu kala kulmaan dhibaato, dhinaca soo dejinta iyo dhanka Gudcurka madaarkaba.

labadii sano e u danbaysay maamulka garoonka ayaa iska liitay waxaana aan wada shaqayn wanaagsani ka dhaxaynin mareeyaha madaarka hargaysa kabtan rodal iyo shaqalaha kala duwa,,

mudadaa labada sano ah shaqaale badan ayaa laga eryay shaqada qaarkalena waay iskaga tageen ,

inkastoo madaarka hargaysa tadawar ka smaeeyay in diyaraduhu ay fadhiistaan hbeenkii iyo waliba dhnka amanka nadamka shaqada hadana arimahasi oo dhan waxa nusqaminaya buuqa ka dhex taagan shaqaalaha iyo madaxdooda