Xog Culus:Gudoomiyihii la inqilaabey ee Barlamaanka Puntland Dhooba Daareed oo ku sugan Muqdisho & qorshaha uu u joogo

Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Dhooba Daareed, oo sidoo kale dhawaan lagala noqday xasaanadii xildhibaannimo, ayaa gaadhay magaalada Muqdisho.
Dhooba Daareed ayaa la dejiyay hoteel Jazeera ee kadib 24 saac uu daganaa hotel Paradise oo ku yaalla meel u dhaw Airport-ka Muqdisho.
Qorshaha socdaalkiisa ayaa lagu sheegay in ay ka dambeysay dowladda Soomaaliya isaga iyo siyaasiin kale oo degaanada Puntland xilal kala duwan uga soo qabtay maamulkaasi.
Warar ay heshay Warbaahintu ayaa sheegaya in Dhooba Daareed uu abaabulayo dhismaha maamul goboleed loogu yeedhay Maakhir State oo ka shaqeyn doona degaano ka mida gobollada Sool iyo Sanaag, waxaana abaabulka arintaan wax ka wada madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Cabdixakiin Cameey oo hadda ah safiirka Soomaaliya ee dalka Itoobiya.
Toddobaadkii tegay Camey iyo Dhoob Daareed ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay ergeyga Turkiga u qaabilsan wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland Olgar Bekar, kaasi oo la rumeysan yahay inay dhaqaale maamulka lagu dhiso weydiisteen.
Cabdixakiin Dhooba Daareed, ayaa dhow jeer maamul goboleedka Puntland ku eedeeyay in uu gacan saar la leeyahay madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo islamarkaana uu doonayo inuu kala qaybiyo Puntland.