Dad ka badan 80 qof oo laga badbaadiyay weerarka hoteelka SYL

0

Waxaa isasoo taraya wararka ku saabsan weerar ilaa hadda socda oo ay Dabley ka tirsan Al-Shabaab maqribnimadii caawa ku qaadeen Hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho.

Saraakiisha booliska ayaa sheegay in uu socdo howlgal badbaadin ah.

Taliye ku xigeenka ciidamada booliska Soomaaliya Sareeyo Guuto Zakiya Xuseen Axmed ayaa faahfaahin kooban kusoo qortay boggeeda facebook-ga.

“Abbaaro 7dii habeenimo (7pm) ayaa qoladii nabad diidka ah weerar ku soo qaadeen hotel SYL iyadoo 2 ka mid ah lagu dilay hotelka banaankiisa sidoo kalena labo kale haatan ay ciidamada amaanka kula dagaallamayaan gudaha Hotelka. “Ilaa iyo hadda waxay Ciidamada Ammaanka soo badbaadiyeen 82 qof ay isku jira shacab iyo masuuliyiin. Waxaan ka digeynaa in xiriir telefoon lala sameeyo dadka shacabka ah ee lagu tuhunsanyahay in ay gudaha ku jiraan inta hawl galka laga soo afjarayo”. “Warbahinta iyo muwadininta sharafta leh waxaa fareynaa inay ka fogaadaan goobta arrimo amni awgeed”, ayey tiri Zakiya.

Hoteelkan oo oo aad ugu dhow xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa caan ku ah inay dagaan mas’uuliyiinta sar sare ee dowladda, waxaana la sheegayaa inay dad badan ku sugnaayeen xilliga la weerarayay.

Dad goob joogeyaal ah ayaa BBC-da u sheegay in hadda la maqlayo dhawaaqa rasaasta iyo qaraxyo bambaano, iyadoo dableydii weerarka soo qaadday iyo ilaalada hoteelka ay gudaha ku dagaallamayaan.

Dad badan ayaa ka cararay hoteelka, qaarkoodna waxay ka daateen darbiyada dambe.

Xildhibaan Mahad dhoorre oo ka tirsan xildhibaannada baarlamaanka maamulka Koonfur-galbeed, oo kasoo badbaaday weerarka ayaa la hadlay BBC-da.

“Annagoo meesha ku sugeynaa adaanka salaadda cishe ayaan mar qura maqalnay rasaasta. Ma garaneynin cidda xabadda rideysay, waan wada argagaxnay. Indhaheygu waxay qabteen raggii rasaasta ridayay, waxaan gudaha ugu cararnay hoteelka, islamarkiina waxaa noo suurtagashay inaan kasoo baxsanno”, ayuu yiri.

Wararka qaar ayaa shegaya in 6 nin oo hubeysan ay ka dagaallamayaan gudaha hoteelka.

Ilaa hadda ma jiraan warar madax bannaan oo sheegaya khasaaraha uu sababay weerarkan socda.