Moos sharooto lagula dhejiyay gidaar oo farshaxaniste uu sameeyay oo lagu iibiyay $120,000 oo dollar ayaa waxaa si lama filaan ah u cunay nin kale oo farshaxaniste ah.
Farshaxaniiste David Datuna ayaa mooskan gidaarka ka soo fujiyay islamarkana inta uu fiiqay cunay Sabtidii shalay ahayd.
“Waxaan jecelahay shaqada farshaxaniiste Maurizio Cattelan waana jeclaaday meesha lagu dhajiyay waa mid aad u macaan,waxa uu sidaasi ku soo qoray barta uu Instagram ku leeyahay.
Inkastoo shaqaalihii joogay goobtii uu mooskaasi ku dhaganaa ay ka xanaaqeen arrintan ayaa waxaa hadana markiiba la badalay mooskii mana jirin tallaabo dheeraad ah oo la qaaday.

Farshaxanka oo muran dhaliyay oo lagu magacaabo “majaajiliiste”, waxaa sameeyay Maurizio Cattelan oo u dhashay Taliyaaniga kaas oo sannadkii 2017-kii sidoo kale sameeyay farshaxanka la wada jeclaaday ee loogu yeeray “Mareykan” oo ahaa fadhiga musqul dahab ah.