Warbaahinta RTE ayaa soo werineysa in haweeney u dhalatay Ireland oo uu guursaday nin ka tirsanaa ururka Khilaafada Islaamka ay maanta dib ugu soo laabanayso Dublin.
Lisa Smith iyo gabadheeda ayaa hawada ku soo jira iyagoo ka soo duulay dalkaasi Turkiga. Waxaana la filayaa iney booliska weeydiin doonaan su’aalo ku saabsan dambiyada argagixisonimada looga shakisan yahay.
Waxaa sidoo kale la qorsheeyay sidii loo xanaanayn lahaa gaba gabadheeda labo jirka oo ku dhalatay Suuriya balse haysata dhalashada Ireland.

Miss Smith waxay horay uga tirsanayd Wasaaradda Difaaca ee Ireland. Waxay sheegtay ineysan ka qeyb qaadan dagaalka ururka Daacish ayna sidoo kale jirin wax tabar ah oo ay u fidisay gabdhaha ka dib markii ay noqotay xaaska nin daacish ah. Waxay sidoo kale ku doodeeysaa iney booqatay FBI-da si ay su’aalo u weydiiyaan, waxayna qaadeen faraheeda iyo dhiigga Hidda Sidaha ee DNA. Ms Smith ayaa iyada iyo gabadheeda laba sono jirka waxay ku noolaayeen xero qaxooti ah oo ku taalla dalkaasi Suuriya.