Siyaasi Cabdilaahi Jawaan Oo Ka Hadlay Ansixinta Komishanka Cusub, Fariina U Diray Xisbiyada Mucaaridka Ah.

0

Siyaasi Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar(Jawaan) oo ahaa gudoomiyihii ugu horeeyey ee gudida doorashooyinka somaliland ayaa ka hadlay ansixinta komishanka cusub ee doorashada

Siyaasi Cabdilaahi Jawaan ayaa soo dhaweeyey ansixina guddidan cusub, isaga oo xisbiyada mucaaridkana ugu baaqay inay ku aaminaan dhaarta ilaahay ee ay marayaan.

Qoraalka uu soo saaray siyaasi Cabdilaahi Jawaan ayaa u dhignaa sidan:-

Waxaan halkan ku Soo Bandhigayaa Qoraal isugu Jira: 1. Hambalyo, 2. Talobixin, 3. Waano.

1. Waxaan ku Hambalyeynayaa Golaha Wakiillada ee Jamhuuriyada Somaliland: Ansixinta ay Maanta oo Taariikhdu Tahay 12 November 2019 ay ku ansixiyeen 6 Xubnood oo ka ah Todobadii Xubnood ee ay hore u Soo Xuleen: 3 Madaxweynuhu Soo xulay, 2 Guurtidu Soo Xuleen iyo 2 ay Soo kala Xuleen labada Xisbi Qaran ee: Wadani iyo Ucid, 

Haddaba Waxaan Golaha Wakiillada ku Hambalyeynaaya Sida isku kalsoonida ah ee Xil Gudashadii Ummaddu u Dooratay Waajibaadkii ka Saaraa ay qayb ka Mid ah u guteen kadib Markii ay Hubiyeen in Xubnahaasi Yihiin Kuwa u Qalma Xilka Culus ee Masuuliyada Doorashooyinka Qaranka Somaliland iyaga Mid Mid ugu Coddeeyey 6 Xubnood Sidaasina ku Ansixiyey.

1. Waxaan kula Talinayaa 7 Xubnood ee Gudiga Doorashooyinka Qaranka ( National Electoral Commission ) in ay Waajibaadka Culus Doorashooyinka Qaranka ee La idiin Doortay una Dhaaran Doontaan Dhaarta Dastuuriga ah in aad ku Hawl Gashaan Markastana Maskaxda ku haysaan in aad Tihiin 7ba Garsoore oo ku dhaartay in ay Cadaalad Xilkooda u Gudanayaan Tartameyaashana ugu Adeeggaaya Sinaan iyo Caddaalad ( Fair and Free ).

2. Waxaan ku Waaninayaa: Cidkasta oo kalsoonni Darro ka haysay Xubnaha Cusub ee Gudiga Doorashooyinka Loo Qaatay in Lagu aaminno dhaarta Dastuuriga ah ee ay Mareen iyo Xisaabtan Furan ( Transparent ). Guul iyo Gobonimo.