MAXAA USABABA IN MAGAALO XEEBEDAKA BERBERA AY NOQOTO WAKHTIGAN MID LA MAJEERTO,qalinkii iidle maxamed

0

Sida aan la Wada socono waxaa jira iswaydiino fara badan oo kasoo baxaya bulshaweynta somaliland kuwaas oo ay xitaa golayaasha degaanka ee dalku ay hadalo badan oo delqaafku ku ah golaha degaanka ee berbera iyo bulshadeedaba ay hawada usomariyeen mudooyin badan, taas oo uu dhacaysa maxay berberi sidan u noqotay oo mararka qaar u muqata qaab hinaase ah iyagoo uga hadlaya,
Waxaa hadaba aniga igu kalifay inaan maqaalkan soo bandhigo in bulshada iyo cidii kale ee si khaldan wax u fahansanba aan uyara iftiimayo siday berberi ku noqotay Berberadaa la majiiranayo maanta mudooyin badana lagu tilmaami jiray inay ka hadhay huruumarkii dalka ka socday iyado weliba ahayd halka uu kaso baxo dhaqalaha dalka lagu maamulaa.

Bal intaynaan guda gelin maqaalkan dulucdiisa aan dib ugu yara noqono tariikhda golaha degaanka degmada berbera, golaha degaanka berbera ee wakhtigan oo ah golihii degaan ee 2aad ee ay berberi yelato waxaa la doortay oo ay qayb ka ahayeen dorashadii golaha degaanada ee dalka ee qabsoontay 28 November 2011kii taas oo ay magalada berberi xaq u heshay 21 xildhibaan, oo allaa yarxamu sedex xubnood oo geriyooday moyee intii kaleba ay joogto maanta, mudo ka dibna waxaa bilaabmay loolan adag oo ay iskaga dhexdoranayen gudoomiyihii golaha hogaamin lahaa, aniga oo aan halkaa hoos ugu sii daadegayn mudo yar ka dib waxaa gudoomiye lo dortay xildh.Cabdishakuur Maxamud Xasan(cidin) kaas oo ahaa xubintii ugu codka badnayd degmada berbera kana soo baxay Xisbiga Ucid kaas oo bulsho badani ay kaga dareen celiyeen marka loo eego Xisbigii uu kasoo baxay oo ahaa xisbi mucaarada in aanu wax badan kusoo kordhinayn bulshada kursigana aanu ku ragayn.
26kii December 2011 ayaa uu xilka kala wareegay gudoomiyihii hore Gudomiye cabdalle maxamed carab oo isna ka mid noqday xubnaha dib ugu soo noqday golaha degaanka ee soo baxay xaflad si heersare ah loo soo agaasimay.

Inataa ka dib maxaa dhacay? Maxaa kuso kordhay magaaladi? Sadashii dadku ma rumawday? Bal akhriste inyar ila soco si aynu uga jawaabno sualahan iyo qaarkaloo badan,
Waxaa dhacay in wax kasta oo la sadalinayey ay noqon wayeen sidii loo sadalinayey Berberina ay dhaxal u heshay gole degaan oo kasoo baxay 23 degmo dorasho ee dalka golihii ugu wanaagsanaa kaas oo an odhan karo waxa uu (role model) u noqon kara iyo in in uu noqdo gole lagu Hal qabsado golayaasha danbe ee iman dona iyo kuwa hada jiraba sida imikaba ka dhacda fagaraysha ay isugu yimadaan golayaasha degaanada ee dalku,
Waxaa iyana intaa dheeratay in mayerkii ama gudoomiyihii ay dorteen wakhtigaa iyo kuxigeenkiisiba ay noqdaan qaar la yimadaa aragti cusub taas oo la odhan karo waxay ka faidaysteen iyagoo mudo badan oo hore ahaa adegayaal bulsho iyo golihii degaanka oo iyana aan ku samaynin wax mashquulin ah ee hawshii dhinacoda la qabtay…………. lasoco qaybta danbe