Museveni: Bobi Wine waa cadawga Uganda

0

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ninka sida weyn u dhaliila siyaasaddiisa Bobi Wine ku tilmaamay ‘Cadawga dalka ee ka hor imaadsan horumarka’.

“Bobi Wine, wuxuu aaday Mareykanka, wuxuuna yiri ha imaanina Uganda si aad u maalgashataan, marka wuxuu cadaw ku yahay horumarka Uganda…,marka waxaad duulaan ku tahay horumarkeena” ayuu yiri Museveni oo wareysi siinayay BBC.

Ninkan sida iskiis ah igu dhawaaqay inuu yahay “madaxweyne xaafadeedka” ayaa laf dhuun gashay ku noqday madaxweyne Museveni tan iyo markii xildhibaan loo doortay Bobi Wine sannadkii 2017-kii.

Waxaana loo arkaa inuu yahay xildhibaanka isku taagay madaxweyne Yuweri Museveni.

Dhawaan wuxuu shaaca ka qaaday inuu la tartami doono madaxweyne Museveni doorashada 2021-ka.