Mid Aan Hooyadii Ka Ridi Karin Tuug Halkaas Ku Qabsada Ayaa Habeen Walba U Hanjabaya Maxamed Kaahin Waxaan Leeyahay”..Wasiir Yurub Abiib

0

-Wasiir ku xigeenka wasaarada horumarinta xanaanada xoolaha iyo kaluumaysiga somaliland marwo Yurub Abiib Cabdi ayaa si adag u difaacday wasiirka arimaha gudaha somaliland Maxamed Kaahin Axmed.

Wasiir Yurub Abiib oo ka hadlaysay munaasibad ka dhacday Hargeysa ayaa sheegtay in hogaamiyeyaasha somaliland oo ula jeeday Madaxweyne Muuse Biixi iyo wasiir Maxamed Kaahin aanay ahayn kuwo loo hanjabi karo.

Wasiir Yurub Abiib oo ka hadlaya eedaymaha loo jeediyo wasiir Maxamed Kaahin ayaa waxay tidhi “Inkasta oo aan arko qaar maalin walba u hanjabaya Maxamed Kaahin oo leh muxuu kursiga ugu fadhiyaa miyaa la badalo, habeen walbana waxaad arkayaa inan yar oo u hanjabaya Maxamed Kaahin laakiin imika qaranka ayey hogaaminayan oo dulqaad badan ayey muujinayaan.”

Wasiir ku xigeenka xanaanada xoolaha oo hadalkeeda sii wadata ayaa dhaliishay dadka eedaynaya wasiir Maxamed Kaahin isla markaana dalbanaya in la badalo waxaanay mar kale tidhi “Habeen walba mid aan hooyadii ka ridi Karin tuug halkaas ku qabsada ayaa leh aniga iyo Maxamed Kaahin ta na kala gaadha, nimankani kuwii loo hanjabi lahaa maaha waa kuwii shalay dalka xoreeyey maantana waa kuwa u dhimanaya.