Madaxwaynaha Dawlada Xamar o Jab Siyaasadeed Kala Kulmay Shirkii Addis ababa e Madaxda Afrika,

0

Kenya iyo Ethiopia ayaa kala qeybsaday labada xil ee ugu muhiimsan Urur goboleedka IGAD, xilli dalabkii iyo rabitaankii madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu shaqeyn waayey.

Kenya ayaa toddobaadkan heshay oo si rasmi ah ula wareegtay gudoonka urur goboleedka IGAD, kadib shir ay dhowaan madaxda dalalka xubnaha ka ah ururkan ay ku yeesheen Addis Ababa, kaasi oo uu ka qeyb galay madaxweyne Farmaajo. Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa gudoonka IGAD kala wareegaya ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo xilkan hayey tan iyo bishii April, xiligii xafiiska uu la wareegay.

Jagada guddoonka IGAD ayaa ah mid meerto ah, waxaana dalalkii ugu dambeeyay ee maamulayey tan iyo 2008-dii ay ahaayeen wadamadda Kenya iyo Itoobiya.

Hogaamiyeyaasha IGAD ayaa sidoo kale isku raacay in Itoobiya ay noqoto murashaxa ugu muhiimsan ee xilka xoghayaha fulinta oo ah jago kale oo muhiimad gaar ah leh.

La wareegitaanka Kenya ayaa soo afjareysa dalabkii Soomaaliya ee ahaa in ay dooneyso xilkaas. Madaxweyne Farmaajo wuxuu sanadkii hore xusay in dalku quudareynayo booskaas.

Sanadihii u dambeeyay, Itoobiya, Uganda iyo Eritrea ayaa xilkan qabtay min 5-jeer, Suudaan oo 8-jeer ah iyo Kenya oo 11-jeer ah, halka Soomaaliya oo aas-aastay ururkan ayaaney abid gacanta ku dhigin. IGAD ayaa waxaa la aas-aasay 1986-kii.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhowaanahan aad ugu dhowaanayey isbahaysina la ahaa Itoobiya, hase yeeshee Addis Ababa wax taageero ah kuma siin rabitaankiisa guddoonka IGAD, waxayna la safatay Kenya.