Nin si qaldan loo xiray 19 sano oo magdhow heley

0

Nin u dhashay dalka Australia oo soo qaatay 19 sano oo xabsi ah si qaldan kadib markii lagu eedeeyay in uu dilay sargaal sare oo booliiska ah ayaa hadda heley magdhow lacageed oo dhan $4.8 milyan oo doolar.

David Eastman ayaa sanadkii 1995-tii lagu xukumay xabsi daa’in, isaga oo lagu heystay dilka Colin Winchester oo 6 sano markaas ka hor la dilay, ahaan ku xigeenta taliyaha booliiska federaalka Australia.

Dilka sargaalkan ayaa Australia ka dhalisay qalalaase sharci iyo mid siyaasadeed, waxaana lagu furey baaristii ugu weynayd ebed.

Mr Winchester ayaa labo xabadood lagaga dhuftay madaxa isaga ooh or taagan gurigiisa oo ku yaala magaalada Canberra ee caasimadda ah, wuxuuna noqday sargaalkii ugu sareeyay ee la dilo booliiska Australia.

Kadib Mr Eastman ayaa loo xirey dilka, balse 19 sano kadib ayay maxkamadda rafcaanka xukuntay in si qaldan loo xukumay, tahayna in la siidaayo, lana siiyo magdhow. 100 qof oo marqaati ah ayaa la dhagaystay qiraalkooda xilligii rafcaanka.

Intii uu xabsiga ku jirey waxaa dhintay waalidkiis iyo walaalihiis.