Moqdisho : Hoobiyayaal Lala Beegsaday Xalane

0

Wararka ka imanaya magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in hoobiyayaal ay ku dhaceen nawaaxiga garoonka Muqdishu gaar ahaan xerada Xalane oo xarun u ah Qaramada Midoobay iyo ciidamada AMISOM.

Warar aanu ka helnay dhinaca amniga ayaa sheegaya ugu yaraan 6 hoobiye inay ku dhaceen nawaaxigaas.

laa haatan ma cadda inuu khasaare ka dhashay weerarkan. Waxaa wararku ay sheegayaan in shaqaalaha ka shaqeeya xerada Xalane lagu amray inay galaan goobaha gabbaabka ah.

Wararka aanu helnay ayaa sheegaya inuu jiro khasaare ka dhashay weerarkan