Abiy Ahmed: Muxuu ku muteystay abaalmarinta caanka ee nabadda ee Noble?

0

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa ku guuleystay billadda abaalmarinta nabadda, sida uu shacaiyaya guddiga bixiya abaalmarintaasi oo fadhigiisu yahay Norway.

Magaalada oslo ayaa lagu guddoonsiin doonaa abaalmarintan bisha Desembar. Waa qofkii boqolaad ee ku guuleysta abaalmarintan oo lacag ahaan u dhiganta $900,000.

Waxaa u tartantay 223 qof iyo 78 hay’adood.

Waxaa la bogaadiyay dadaallada nabadda ee uu garwadeenka ka yahay ee gobolka iyo kaalinta uu ka qaatay iskaashiga caalamiga ah.

Heshiskii nabadeed ay wada gaareen Itoobiya iyo Eritrea ayaa lagu soo afjaray dagaalkii 20-ka sanno socday oo u dhexeeyay labada dal.

Guddiga Norway ee u qaabilsan abaalmarinta Nobel-ka ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen ku sheegay in Abiy Axmed uu ku muteystay “nabadda uu la galay dalka ay collaada mudada kala dhexeysay ee Eritrea”.

Guddiga ayaa sidoo kale bogaadiyay doorka ay arrintaa ka ciyaartay Eritrea.

” Nabadda kama timaada hal dhinac oo kali ah. Markii uu Abiy Axmed gacan nabadeed fidiyay, madaxweynaha Eritrea ayaa isagana ka soo jawaabay doorna ka qaatay in heshiis nabadeed oo rasmi ah ay labda dal kala saxiixdaan”.

Yaa ku guuleystay hadda ka hor

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa ku guuleystay 2009-kii doorkii aan caadiga ahayn ee uu ka qaatay diblomaasiyadda caalamiga iyo wada shaqeynta shucuubta adduunka”.

Dadka kale waxaa ka mid ah gabadha u dhalatay Pakistan ee u dhaqdhaqaaqda arrimaha waxbarashada gabdhaha Malal Yousufzai oo ku guuleystay 2014-kii. Midowga Yurub aya ku guuleystay 2012-kii, Kofi Anan ayaa ku guuleystay 2001