Talyaaniga oo yareynaya tirada xildhibaannadiisa iyo sababta

0

Baarlamaanka Talyaaniga ayaa u codeeyay in la dhimo tirada mudanayaasha labada gole, oo meesha laga saaro in ka badan saddex meeloodoo meel.

Aqalka hoose ayaa ansixiyay sharci dhigaya in tirada xildhibaannadiisa oo haatan ah 630 laga dhigo 400, halka aqalka sare mudanayaashiisa ay haatan yihiin 315 iyana laga dhigayo 200.

Isbedelkan ayaa ah mid uu horay u ballanqaaday xisbiga ugu weyn isbahaysiga ay ka kooban tahay xukuumadda ee Five Star Movement.

Tiro dhimistan ayaa looga gol leeyahay in meesha looga saaro boqolaal milyan oo Euro oo ay mushaar iyo kharash ahaan u qaataan xildhibaannada.

Hase yeeshee dadka dhaliilsan tallaabadan ayaa sheegaya in sharcigan uu wiiqi doono dimuqraadiyadda Talyaaniga, isla markaana sare u qaadi doono awoodda kooxaha danleyda siyaasadda.

Waxaa suuragal ah in afti dadweyne loo qaado sharcigan, maadaama uu wax ka bedelayo dastuurka Talyaaniga.

Xisbiga Five Star ayaa qoraal uu soo dhigay Twitter-ka ku sheegay in sharcigan oo taageero weyn ka helay dhammaan xisbiyada siyaasadda uu dalka u badbaadin doon hal bilyan oo Euro tobanka sano ee soo socota.

Sharcigan cusub ayaa dhaqangeli doona kadib doorashada guud ee lagu wado inay Talyaaniga ka dhacdo sanadka 2023.