Deg Deg, Mayor Magaalo wayn o Somaliland ku tala o Dumiyay Gurigii Mayorkii u xilka kala Wareegay,

0

Dawlada hoose ee magaalada Gabiley ayaa dumisay guri uu lahaa maayarkii hore ee Magaaladaasi Xuseen Jameeco.

Gurigan oo wakhti habeenimo ah la dumiyey qaybo ka mid ah ayaa la sheegay in amarka lagu dumiyey uu bixiyey maayarka magaalada Gabiley Maxamed Aamiin kaas oo aan ilaa hada cadayn sababaha uu u cuskaday duminta gurigan.

Maayarka magaalada Gabiley iyo masuuliyiinta kale ee dawlada hoose ayaan ilaa hada ka hadal sababaha keenay in la dumiyo gurigan oo aan ku dhex oolin wado iyada oo aanay jirin wargelin loo keenay dadka ku jira isla markaana aanu jirin olole socday oo lagu beegsanayey guryaha wadooyinka soo galay.

Dadweynaha magaalada Gabiley ayaa dareen taban ka bixiyey sabab la,aanta gurigan lagu dumiyey iyaga oo maayarkana ku eedaynaya inuu dayndaabkii kala baxay awoodii dawladnimo isla markaana uu doonistiisa ku shaqaynayo.

Dhinaca kale mulkiilayaasha gurigan ayaa warbaahinta u sheegay inaanay jirin cid ilaa hada qaadatay masuuliyada lagu dumiyey gurigooda taas badalkeedana ay isku tuurtuurayaan masuuliyiinta dawlada hoose cida lagala xisaabtamayo.