Xildhibaan Sheegay Inay Tobaneeyo Xubnood Oo Siyaasiyiin Ah Ay Kaga Qaybgalayaan Caleemasaarka Axmed Madoobe

0

Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire ayaa sheegay in ku dhawaad tobaneeyo masuuliyiin reer Somaliland

ah iyo kuwo xilka soo qabtayba ay ka qaybgali doonaan caleema saarka madaxweynaha maamul gobaleedka Jubalaan Axmed Madoobe oo bishan sagaalkeeda lagu caleema saarayo magaalada Kismaayo.

Xildghibaan Naasir oo la hadlaayay tilifishanka Sahan waxa uu yidhi    ” Xubno ay ka mid yihiin laba xildhiban oo galaha guurtida ah iyo xildhibaan ka mid ah golaha wakiilada oo anigu aan ka mid ahay inaan safar ugu bixi doono si aanu uga qaybgalno  caleema saarka Axmed Madoobe ee magaalada Kismaayo ka dhacaysa 9 bishan, tani waxay ka danbaysay markii Axmed Madoobe uu si layaab leh uga soo baxay doorashadii layaabka lahayd ee ka dhacday Kismaayo ee dawlada Somaliya ee aynu jaarka nahay ay carqaladayso dastuurkeeda  gaasinimadii uu sameeyay iyo dadkiisa oo doortay waxaan ku hanbalyeeyay oo aan ka codsaday inuu igu casuumo caleemasaarkiisa tii ayaa rumowday oo waxa nalagu casuumay caleemasaarkaasaa, waxaanu ku tagaynaa ilaa lix xubnood  oo ay ka mid yihiin wasiiro hore iyo dad ku jira xisbiyada mucaaradka ah, anaga ayaa is abaabulanay oo go’aankaas gaadhnay xukuumaduna wax shaqo ah nagumay lahayn.”                               

Xidhibaanka oo la waydiiyay in shacbiga Somaliland uu ka sasaayo tagitaanka Somaliya waxa uu yidhi” Anaga oo ka wakiil ah umadda na dooratay ee reer Somaliland waxaan leenahay in aanay naga sasin oo aanay u arag dalkaas Somaliya ee aynu jaarka nahay anagu uma socono Farmaajana magaaladiisii Muqdisho ugu tagi mayno waxaanu ka leenahay dan, danta aanu ka leenahayna waa danta ay ka leeyhiin Qadar iyo Turkigu dalka Somaliya.”