Ex Madaxwayne Somalya Shekh Shariif o Duray Shirka Wadtashiga e farmaajo qaban qaabiyay , Sheegayna in ay dhamaatay maalmihii farmaajo e khyaanada ahaa

0
Sharif Sheikh Ahmed, currently the President of Somalia's Transitional Federal Government talks during a news conference in central London, Tuesday March 9, 2010. Sheikh Ahmed, who was one of the most senior leaders of the Islamic Courts Union (ICU), a hard-line Islamist militia movement in Somalia is currently in Britain seeking support for his government. (AP Photo/Lefteris Pitarakis)

Madaxweynihii hore ee Somalia Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa dhaliilay Shirkii

Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee shalay lagu soo gabegabeeyay Muqdisho, kaasoo ay ka qeyb galeen wakiilo ka socday deeq bixiyeyaasha caalamka, madaxda dowlad goboleedyada qaarkood iyo dowlada federaalka.

Sheekh Shariif oo shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay inuu ka xun yahay in Soomaaliya lagu qabto shir u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, iyadoo ay ka maqan yihiin qaar ka mid ah Maamul goboleedyada dalka ka jira.

“Xaaladda dalku ku jiro ma fiirsan karno, dib u heshiisiintii dawladda iyo maamul goboleedyada waxaa diiday Madaxwayne Farmaajo, Shirka caalamiga ee Muqdisho ka socda waxaa ka maqan laba Maamul goboleed oo waawayn mana ahan in beesha caalamku ay tixgalin wayso” ayuu yiri Shiikh Shariif.

“Dhaqaalaha la leeyahay waa uu soo kabanayaa halkee ayuu ka imaanayaa mar hadii aanay shacabku isu socon karin, Shaqadii dawladduna tahay mid qof qof ku badal ah, ,Wiilal yar yar oo masaakiina oo qurbaha jooga ama la marin-habaabiyey ee lasoo adeejiyey Caay ay Caytameen anagu xaqa ugama istaageyno” ayuu sidoo kale yidhi Madaxwayne Shariif.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa dhinaca kale ka hadlay amniga Muqdisho iyo jidadka xiran.

Sharif Sheikh Ahmed, currently the President of Somalia’s Transitional Federal Government talks during a news conference in central London, Tuesday March 9, 2010. Sheikh Ahmed, who was one of the most senior leaders of the Islamic Courts Union (ICU), a hard-line Islamist militia movement in Somalia is currently in Britain seeking support for his government. (AP Photo/Lefteris Pitarakis)

“Dadka markay ku dhax-jiraan laba cadow oo mid Shabaab yahay midna dowladda tahay aaway amniga iyo dhaqaale kororka laga shaqeeyey, Wasiirada iyo Xildhibaanada DF looma ogola inay xaqa ka hadlaan, marka anaga waxa naloo caynaayo waa maxaad xaqa uga hadlaysaan dalkaan meel adag ayaan kasoo saarnay mana ka aamusi-karno” ayuu sii raacsiiyay hadlkiisa Sheekh Shariif.

“Nidaamka federaalka waxaa ku heshiiyey shacabka Soomaaliyeed, waxaan ka walaacsan nahay in sharciga la jebiyo, federaalkana la dumiyo, taasoo horseedeysa burbur dowladeed” ayuu intaas raaciyey Madaxweynihii hore ee Somalia.