Sannad ayaa laga joogaa dilkii Kashikji

0

WASHINGTON. D.C — 

Sannad ayaa maanta oo ku beegan labada bisha October laga joogaa, marki saxafiga Jamal Kashigji lagu dhexdilay qunsuliyadda uu Sacuudiga ku leeyahay magaalada Isntanbul ee dalka Turkiga.

Madaxweynaha Turkiga Raceb Tayib Erdogan ayaa ballan qaaday, in dowladdiisa ay sii wadi doonto dadaalladeeda ku aadan ifinta dilki wuxushnimada ahaa ee lagu khaarijiyay Jamal Kashikji oo ahaa saxafi u dhashay dalka Sacuudiga.

Khashoggi, ayaa ahaa saxafi magangalyo ku daganaa Mareykanka. Wuxuu ka mid ahaa dadka maqaalada ku qoro wargeyska Washington Post ee kasoo baxa magaaladan Washington D.C. Wuxuu ka mid ah dadka naqdiya siyaasadda dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman.

Hey’ada sirdoonka dibadda Mareykanka ee CIA iyo qaar ka mida dowladaha reer Galbeedka ayaa rumeysan in dilka Kashikji uu amray Maxamed Bin Salman.