Ex Madaxwayne Dahir rayaale, Xisbiyadu Qabyaalada ha Joojaan o Xisbinimo wax haku doonaan

0

Madaxweynihii hore ee somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa ka hadlay tabashada laga dawlada somaliland ee ka soo baxaysa qaar ka mid ah shacabka gobolada dalka.

Madaxweynihii hore ee somaliland Daahir Rayaale ayaa sidoo kale talo waayeel ah u diray xisbiyada siyaasada dalka.

Daahir Rayaale oo ka hadlaya tabashada laga qabo nidaamka dawladnimo ee somaliland ayaa waxa uu yidhi “Tabashadu maalinba meel ayey maraysaa laakiin wixii la tabanayo in laga wada hadlo oo miiska la wada fadhiisto ayuunbay u baahan tahay, xalna looga gudbo oo wixii maanta la qabanayo la qabto wixii aan la qabanayna bari loo balamo.”ayuu yidhi Daahir Rayaale oo la hadlay Sahantv.

Sidoo kale waxa uu talo u jeediyey xisbiyada waxaanu yidhi “Anagu xisbinimo ayaanu wax ku wadnay, waxaanad moodaa in xisbiyadu ay ka leexdeen laynkii xisbinimo taasina waxyaabo badan ayey keentay, markaa waxaan leeyahay xisbinimada halagu noqdo.”

Dhinaca kale madaxweynihii hore ee somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa ka hadlay qabyaalada dalka ka taagan iyo habka lagaga gudbi karo “Qabyaaladu waa wax inagu talaalan oo ilaahay dadkan ku talaalay laakiin mid ayaan odhan lahaa xisbiyada waxaynu u samaysanay inaan qabyaalada kaga baxno, xisbiyaduna mabaadiida ay wax ku raadinayaan ha noqoto mid xisbi ee yaanay noqon taas ayaana mustaqbalka fog lagaga bixi karaa qabyaalada laakiin hadii shaadh qabyaaladeed loo galiyo xisbiyadu sheekadu qabiilka ayey dib ugu noqonaysaa, waxaanan odhan lahaa xisbiyadu umada haku hogaamiyaan xisbinimo ee qabiil yaanay ku hogaamin.”