Nin 17 sanno booliska Shiinaha god uga dhuumanayay oo lasoo qabtay

0

Ciidammada booliska Shiinaha ayaa gacanta ku dhigay nin baxsad ahaa oo muddo 17 sanno ah god uga dhuumanayay kaddib markii la adeegsaday diyaaradaha Drones-ka sii loo soo qabto.

Ninka 63 jir ah oo ay booliska magaciisa ku sheegeen, Song Jiang wuxuu ka baxsaday xabsi sannadkii 2002-dii, waxaana loo heystay inuu ku howlanaa ka ganacsiga carruurta iyo haweenka.

Ninka wuxuu ku noolaa god yar oo ay ku hareereeysan yihiin buuro, muddo sannooyin ah wuxuu iska ilaalinayay inuu arko qof banii’aadan ah.

Ciidammada booliska ayaa horraantii bishan helay warar sheegayo in ninkaas uu ku noola godkaas ku yaal gobolka Yunnan ee koonfur galbeed dalka Shiinaha.

Ciidammada ayaa dhowr mar ku guul dareystay inay soo qabtaan, waxay adeegsadeen diyaaradah aan cidna wadin.

Booliska ayaa sheegay in ninka markii ay qabteen uu hadli waayay maadama uu in muddo kaligiis noolaa.

Warbaahinta dowladda ayaa ku warrantay in ninkan la qabtay uu ku noola biyaha webi halkaas mara iyo geedaha ku yaal halkaas.

Waxaa dib loogu celiyay xabsiga uu 17 sanno ka hor kasoo baxsaday