BBC Deg Deg, Askarigii Khaaska u aha Ilaalinta Boqorka Sucuudiga o la Dilay

0

Waardiyihii khaaska ahaa ee daba taagnaan jiray boqorka dalka Sacuudiga, Salman Bin Cabdul Casiis ayaa geeriyooday ka dib markii uu rasaas ku furay nin ay saaxiibo ahaayeen, kaasoo uu dhex maray ‘muran shakhsiyeed’, sida ay sheegeen booliska waddankaas.

Janaraal Abdel Aziz al-Fagham oo habeenimadii Sabtida booqanayay saaxiibkiis, ayaa la murmay Mamdouh bin Meshaal Al Ali.

Bayaan ay soo saareen booliska ayaa lagu sheegay in Ali uu ka baxay guriga ay isaga iyo Janaraalka ku sugnaayeen oo ku yaalla magaalada Jidda, wax yar ka dibna uu kusoo laabtay isagoo qori wata, ka dibna uu rasaas ku furay Janaraalka.

Qudhiisa waxaa toogasho lagu dilay markii uu diiday inuu isku dhiibo ciidamada amaanka, sida lagu xusay bayaanka ay soo saareen boolisku

Janaraal Fagham ayaa dhaawac culus oo rasaasta lagu furay kasoo gaaray ugu geeriyooday isbitaalka.

Toddobo ruux oo kale ayaa ku dhaawacmay dhacdadaas.

Waxaa dadka dhaawacmay ka mid ahaa labo ruux oo ku sugnaa guriga saaxiibka uu Janaraal Fagham booqashada ku tagay, iyo sidoo kale shan askari oo ka qeyb qaatay israsaaseynta.

Janaraal Fagham, oo mar walba daba-taagnaan jiray boqor Salmaan, ayaa ahaa nin si weyn looga yaqaanno wadanka Sacuudiga.

Wuxuu ahaa nin aad ugu dhow Boqor Salmaan, wuxuuna sidoo kale muddo dheer usoo shaqeynayay boqorkii hore ee Sacuudiga, boqor Cabdalla.

Dad badan ayaa baraha buslahada tacsi ugu diray ehelada Janaraalkan la dilay, waxayna ku qeexeen inuu ahaa “halyeey” iyo waliba “waardiye daacad ah”.

Boqor Salmaan ayaa taajka boqortooyada loo saaray sanadkii 2015-kii, isagoo ay markaas da’diisu ahayd 79 sano.

Dad badan oo indha indheeya xaaladda Sacuudiga ayaa sheega in maamulka boqortooyada uu gacanta ku hayo wiilkiisa Maxamed Bin Salmaan.

Maxamed Bin Salmaan wuxuu magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga ku dhashay 31-kii bishii Agoosto ee sannadkii 1985-kii.

Wuxuu ahaa wiilka curadka ah ee uu dhalay boqor Salmaan Bin Cabdul Casiis Aala Sucuud oo xilliga uu Maxamed dhalanayay ahaa mid ka mid ah dhaxal sugeyaasha boqortooyada.

Hooyadiis waa xaaska saddexaad ee boqor Salmaan, waxaana lagu magacaabaa Fahdah bint Falah bin Sultan.

Ka dib markii uu shahaadada 1aad ee waxbarashada jaamacadeed ka qaatay Jaamacadda King Saud ee ku taalla magaalo madaxda Sucuudiga ee Riyaad, wuxuu ka soo shaqeeyay hay’ado kala duwan oo ay leedahay boqortooyada.

Sannadkii 2009-kii, waxaa loo magacaabay inuu la taliye khaas ah u noqdo aabihiis, oo xilligaas ahaa Duqa magaalada Riyaad.

Maxamed Bin Salman ayaa awoodda boqortooyada lugta la soo galay sannadkii 2013-kii, markaasoo loo magacaabay madaxa qasriga dhaxal sugaha boqortooyada, isagoo darajadiisu ay ahayd heer wasiir.

Sannadkii ka horreeyay ee 2012-kii, ayaa aabihiis loo xushay inuu noqdo dhaxal sugaha taajka boqortooyada, ka dib geeridii Nayef bin Cabdul Casiis, oo ahaa qofka dhaxalka xilkaas ugu sokeeyay.

Bishii Janaayo ee sannadkii 2015-kii ayuu geeriyooday boqor Cabdalla bin Cabdul Casiis, Salmaan ayaana xilka boqortooyada la wareegay isagoo markaas ay da’diisu ahayd 79 sano.Marka la eego Sacuudiga dibaddiisa, dad kooban ayaa yaqaannay magaca Maxamed Bin Salman Aala Sucuud, ka hor inta uusan aabihiis boqorka noqonin sannadkii 2015-kii. Balse hadda, 33 jirkan dhaxal sugaha boqortooyada ah waxaa loo aqoonsan yahay inuu yahay qofka rasmiga ah ee gacanta ku haya maamulka waddanka dhoofiya saliidda ugu badan ee caalamka.

Wuxuu hantay qalbiyada hogaamiyeyaasha reer galbeedka ka dib markii uu ku dhaqaaqay tallaabooyin uu isbaddallo uga sameeyay Sucuudiga, oo ah waddan sharci adag, waxaana isbadalladaas ka mid ahaa xayiraaddii uu ka qaaday gaari wadista dumarka iyo dadaalkii uu ku raadinayay sidii loo ballaarin lahaa dhinacyada kala duwan ee dhaqaalaha.

Laakiin waxaa si weyn loogu dhaliilay arrimo ay ka mid yihiin:-

-Dagaalkii uu ku qaaday dalka dariska la ah ee Yemen, kaasoo sababay xadgudubyo waaweyn oo bani’aadannimo.

-Inuu billaabay muranka siyaasadeed ee Qadar iyo Sucuudiga, oo kala qeybiyay midnimadii golaha iskaashiga khaliijka ee (GCC).

-Inuu xoojiyay howlgalka adag ee ka dhanka ah dadka ka soo horjeeda siyaasadda Sucuudiga.

Xitaa waxaa isa soo taraya talooyinka ku saabsan in laga baddalo xilka uu hayo ee ah dhaxal sugaha boqortooyada, wixii ka dambeeyay markii uu soo shaac baxay dilka Jamaal Khaashuqji oo ahaa wariye caan ah oo ka soo horjeeday siyaasadaha Sucuudiga.

Xubno ka tirsan sirdoonka Sucuudiga ayaa la rumeysan yahay in ay Khaashuqji ku dileen gudaha qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, horraantii bishan Oktoobar ee 2018-ka.