Somaliland Oo Wefti U Diraysa Maamulka Jubbaland Iyo Ujeedada Ay U Socdaan

0

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Enga Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inay jiraan xubno ay somaliland u dirayso maamulka Jubbaland si ay uga qayb galaan caleemo saarka madaxweyne Axmed Madoobo.

Gudoomiye Faysal oo ka hadlaya xubnaha la dirayo ayaa waxa uu yidhi “Kismaayo koox lix qof ah ayaanu u diyaarinay oo tagaya oo waata diyaarada laga joojiiyey markaa lix ilaa shan qof oo reer somaliland ah ayaa diyaar ah oo tigidhadoodii diyaar yihiin anaga oo dirayna ayaanay dib u dhacay caleemo saarku balse waa la tagayaa.”

Gudoomiye Faysal ayaa sheegay inaanu ka mid ahayn xubnaha tagaya waxaanu cadeeyey sababta keentay inuu ka baaqdo “Anigu kuma jiro oo caruurtii uu inankaygu kaga dhintay Suuriya oo laba caruur iyo hooyadood ayaa kaam Kurdish ah ku jira oo laga soo saarayaa, dawlada Finland ayaanan jecelnahay inay Turkiga ka soo qaado.”

Sidoo kale gudoomiye Faysal waxa uu difaacay safarkan ay xubnaha somaliland ka socdaa ku tagayaan maamulka Jubbaland “Soomaaliya waa qabaa’il waana inaynu ka samaysanaa dad qadiyadeena taageera dadkana waa inaad hogaamisaa, dad soomaaliyeed ayaanu u tagaynaa waana qorshe fiican oo aanu ka hadlayno codkayagana ka gaysanayno, koonfur galbeed waanu tagaynaa waanu ka samaysanaynaa dad arintayada taageera, Hirshabeelle waanu tagaynaa waanu ka samaysanaynaa, Xamar waanu tagaynaa dantayadana waanu ka samaysanaynaa, anagu u tagi mayno inaanu ka soo heesno ee qadiyadayada ayaanu ka iibinaynaa dadka.”