Farmaajo o Kulan la qaatay Dhagar qabe xasuuq ka gaystay Somaliland xiligii Siyad bare, iyo Siyaasiyiin Reer Muqdisho ah o cambaareeyay,

0

Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya oo ku sugan magaalada Washington ee wadanka Maraykanka ayaa la kulmay KornaylTuke oo hore loogu xukumay xasuuqyo uu ka gaystay somaliland wakhtigii dawladii kacaanku talada haysay.

Dawlada Soomaaliya wali faah faahin kamay bixin kulanka uu madaxweyne Farmaajo la yeeshay kornayl Tuke, balse xildhibaano iyo siyaasiinta mucaaridka ah ee soomaaliya ayaa si weyn u dhaliilay talaabada uu qaaday madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan golaha shacabka ayaa fariin uu ku baahiyey bogiisa Facebook ayaa shacabka somaliland raali gelin ka siiyey talaabada uu madaxweyne Farmaajo ku maamuusay kornaylkaas dambiyada xasuuqa ah lagu helay isla markaana maxkamada Maraykanka ahi ku xukuntay.

Xildhibaan Fiqi ayaa qoraalkiisa ku yidhi “Waxaan magaca umadda Soomaaliyeed raalli gelin uga siinayaa walaalaheen reer Somaliland oo Madaxweyne Farmaajo uu dib u damqiyey dareenkooda soona xasuusiyey maalmo murugo lahaa ka dib Markii uu sawir la soo galey shakhsi ku eedaysnaa dambiyo dagaal iyo xasuuq dad Soomaaliyeed”ayuu qoraalkiisa ku yidhi xildhibaan Axmed Macalin Fiqi.

Dhinaca hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa madaxweyne Farmaajo ku dhaliilay kulanka uu la qaatay kornayl Tuke, waxaanu ku yidhi qoraal uu saaray ” Madaxweyne Farmaajo waxaa wafdigiisa ka mid ahaa Sadaq John oo ah danbiile dad ku xasuuqay xarunta Wadajir, wuxuu la sawiran yahay Kornayl Tuke oo danbi dagaal loo haysto, wuxuu taliyaha ciidanka Asluubta u dalacsiiyey ninkii Baydhabo dadka ku xasuuqay, ilaa iyo hataana kama damqan shacabka Cusbitaalada Kismaayo ku darxumaysan. Tani waxay cadayn u tahay in uu xasuuqa raali ka yahay, xuquuq aadane wax dan ah ka lahayn.