Waa Maxay Qodobada Ay Ku Heshiiyeen Farmaajo Iyo Uhuru

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhiggiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta waxa uu wada-hadallo “la isku fahmay” kula yeeshay magaalada New York oo ay u joogaan ka qeyb-galka shirka Golaha Guud ee QM, sida ay sheegtay Villa Somalia.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kulanka labada hoggaamiye uu soo qabanqaabiyay Guddoomiyaha Midowga Afrika ahna Madaxweynaha Masar Mudane Cabdulfataax Al Sisi, oo sidoo kale goobjoog ka ahaa.

Waxaa la isku raacay in xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya lagu soo celiyo heerkii uu taagnaa bishii Febraayo ee sanadkan, lana qaado tallaabooyin diblomaasiyadeed oo lagu dhisayo kalsoonida labada dowladood iyo shacabka.” Ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia.

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale “waxa ay ku heshiiyeen in la sameeyo guddi isku dhaf ah oo ka kooban labada dhinac kuwaas oo ka shaqeynaya ka mira dhalinta isafgaradka haatan la gaaray.”

Villa Somalia waxay sheegtay in madaxweyne Farmaajo intii uu kulanka socday ku “adkeysatay in kiiska badda go’aan kiisa loo daayo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka taas oo la isku waafaqay.”

Dowladda Kenya weli wax war ah kama soo sarain wada-hadallada labada madaxweyne iyo waxa looga hadlay intaba.