Ninkii diyaaradda soo xaday si uu xaaskiisa ula kulmo

0

Muddo labo sano ah, wariyaha BBC-da ee lagu magacaabo Emma Jane Kirby ayaa baaritaan ku heysay sheeko ku saabsan Xiddigle Paul Meyer, oo ah farsamayaqaan Mareykanka u dashay, oo la waayay raqdiisa iyo ruuxiisaba, kaasoo diyaarad ka xaday ciidamada cirka ee Mareykanka, xilli ay England ku sugnaayeen sanadkii 1969-kii, wuxuuna diyaaraddaas u duuliyay gobolka Virginia, isagoo ujeeddadiisu ay ahayd inuu la kulmo xaaskiisa.

Mr Meyer, oo xubin ka ahaa ciidamada cirka ee Mareykanka, marka uu diyaaradda la baxsanayay wuxuu ahaa nin aroos cusub ah oo xaaskiisa ay waqti dhow aqal galeen.

Ku dhawaad 2 saacadood ka dib markii uu hawada ku jiray, wuxuu si lama filaan ah ugu libdhay biyaha loo yaqaanno English Channel-ka, dib dambena looma arkin.

Sida lagu ogaaday inuu xaaskiisa awgeed u baxsaday waxay ahayd markii la dhageystay codka taleefankii uu kula hadlay markii uu u sheegayay inuu dhankeeda ku wajahan yahay.

Paul oo markaas 23 jir ahaa ayaa xaaskiisa Jane Goodson ka kiciyay hurdo wuxuuna ku yiri: “Gacaliso, shimbir ayaan cirka lasoo marayaa, guriga ayaana u soo socdaa”.

Sheekada ku saabsan Paul Meyer waxaa akhriyay nin u dhashay dalka Netherlands oo lagu magacaabo Theo Van Eijck, wuxuuna sheegay in isaga qudhiisa uu diyaarad xaday mar uu la shaqeynayay ciidamada qalabka sida. Laakiin wuu badbaaday si uu uga sheekeeyo qisadaas.

Ka dib markii Theo Van Eijck laga eryay tababar dhinaca duuliyenimada ah oo ay sameynayeen ciidamada badda ee Netherlands sanadkii 1964-kii, wuxuu xaday diyaarad wuxuuna u duuliyay dalka Liibiya, sida uu BBC-da u sheegay.

Theo Van Eijck oo hadda timihiisu ay cad yihiin, da’diisuna tahay 76 sano ayaa wariyaha BBC-da tusay sawirradiisa iyo sidoo kale wargeyskii Holand kasoo baxay sanadkii 1064-kii ee qoray sheekada ku saabsaneyd falkii uu diyaaradda ku xaday.

Wuxuu xilligaas ahaa 21 jir, markii uu diyaaradda la baxsadayna wuxuu la tagay magaalada Benghazi ee dalka Liibiya.

Maxaa sabab u ahaa arrinta uu sameeyay Van Eijck?

Si fiican ayey markii hore ku billaabatay arrinta, waxaa la igu daray koox ka tirsan ciidamada badda oo loogu talagalay inay qaataan tababar dhinaca duulinta diyaaradaha ah, anigana aad baan u jeclaa xirfadda duuliyenimada”, ayuu yiri Theo Van Eijck.

Howshii tababarka way billaabatay si wanaagsan ayuuna ula soo qabsanayay howshiisa cusub.

Laakiin sida uu BBC-da u sheegay, waxaa khiyaano ku sameeyay macallinkiisii tababarka oo ay ku kulmeen xaflad, kaasoo ka wareystay cabashooyinka ay ka qabaan sida uu tababarka u socdo iyo nooca diyaaradaha ay ku tababartaanba.

Isaguna wuxuu si daacad ah uga hadlay wax walba oo uu saluugayay, wuxuuna filayay in arrintu ay hagaagi doonto.

Hase yeeshee, isla maalintii xigtayba, kaarkii uu ku gali jiray xarunta tababarka waxaa lagu dhajiyay calaamad muujineysa inuusan ku fiicneyd duuliyenimada, halisna uu ugu jiro inuu guul darreysto haddii diyaarad lagu aamino.

Aad buu ula yaabay tallaabadaas, wuxuuna si toos ah u dareemay inay tahay caddaalad darro lagu sameynayo.

Wuxuu isku dayay inuu saraakiisha sare dacwad u gudbiyo, laakiin dadaal ka dib wuu ku guul darreystay inuu waqtigii munaasabka ahaa gaarsiiyo cabashadiisa.

Maalinkii dambe wuxuu sabuuraddii cashirka lagu qaadanayay ku qoray erayo uu ku muujinayo caradiisa iyo caddaalad darrada uu sheegayay in lagu sameeyay.

Ficilkaas ayaa u sababay in labada maalmood ee dabayaaqada isbuuca ah xabsi la galiyo, laakiin isku dayo uu sameeyay ayaa u suurtagaliyay inuu ka baxsado xabsigii uu ku xirnaa.

Markii la ogaaday in uu xabsiga ka fakaday waxa ganaax ahaan looga saaray guud ahaan tababarkii duuliyenimada.

“Waxaan kasoo jeeday qoys ballaaran oo 12 carruur ah aan ku ahayd, dhammaanteenna waan wada ogeyn waxa saxda ah iyo waxa khaladka ah, arrinta la isu sameeyayna waxay ahayd mid khalad ah”, ayuu yiri isagoo dib u xasuusanaya marxaladdaas.

Isagoo aad uga niyad jabsan riyadiisa duuliyenimada ee ka burburtay ayuu Van Eijck codsaday in laga saaro guud ahaan ciidamada badda, laakiin dhowr jeer ayaa codsigiisa laga diiday.

Markaas ka dib wuxuu billaabay inuu helo waddo uu si iskiis ah uga baxsan karo ciidanka badda.

“Hal ruux uma sheegin qorshaheyga, waayo haddii aan u sheegi lahaa ma ii suurta gali lahayn”, ayuu yiri isagoo dhoollacaddeynaya.

Isla sidii uu Xiddigle Paul Meyer sameeyay, Theo van Eijck wuxuu go’aan ku gaaray inuu xado diyaarad, si uu xorriyaddiisa u qaato.

Wuxuu helay buug ay ku qoran yihiin cashirrada duullimaadka ee mid ka mid ah diyaaradihii ay isticmaali jireen ciidamadii Cirka ee Ntherlands, sanduuqiisa ayuuna ku qarsaday.

Mar walba oo ay saaxiibbadiis seexdaan, ama ay baashaal aadaan, si qarsoodi ah ayuu wax uga baran jiray buuggaas, isagoo kaligiis ah.

Sidoo kale wuxuu la saaxiibay duuliyeyaashii ku guuleystay tababarka, wuxuuna kala sheekeysan jiray sida loo duuliyo diyaaradda, sida matoorkeeda loo kiciyo iyo waliba sida diyaaradda hawada loo galiyo.

Waxba kama aysan ogeyn sababta aan u daneynayo barashada xirfadahaas oo dhan”, ayuu yiri.

Wuxuu ka cabsi qabay in haddii uu Netherlands diyaarad kasoo duuliyo uu si khaldan ku tago Jarmalkii bari, oo markaas waddankiisa cadow la ahaa.

Balse maalin maalmaha ka mid ah nasiibkiisa ayaa fiicnaaday.

Isagoo taas dib u milicsanaya ayuu yiri: “Waxay naga codsadeen in qaar naga mid ah ay ciidamada badda ee Ingiriiska kula soo tababartaan Jasiiradda Malta muddo labo bilood ah, anigana waxaan ku fikiray in haddii aan Malta ago aan meel walba u duuli karo”.

Wuu ku biiray ciidankii sida iskood ah u aqbalay inay tababarka u aadaan Malta.

Qorshe burcadnimo ah ka dib waxaa u suurta gashay inuu diyaarad ka xado ciidamada cirka, wuxuuna u duuliyay dhinaca Liibiya, isagoo sii dul maray badda Mediterranean-ka.

Wuxuu ka baxay inuu ku dago garoonka magaalada Tripoli, maadaama ay halkaas wali awood ku lahaayeen ciidamadii Ingiriiska.

Sidaas darteed wuxuu u weecday dhinaca magaalada Benghazi, halkaas ayuuna ka caga dhigtay.

Theo van Eijck wuxuu aad ula dhacay habkii uu diyaaradda u dajiyay, wuxuuna ku fikiray in macallimiintiisii ay ku farxi lahaayeen haddii ay arkayaan.

Durba wuxuu isku dhiibay ciidamada Liibiya, waxaana billowday gorgortan u dhaxeeya Liibiya iyo Netherlands.

Ugu dambeyn Theo van Eijck wuxuu aqbalay heshiis ah in dib loogu celiyo waddankiisa, ka dibna la marsiiyo ciqaab 12 bilood oo xabsi ah, taasoo uu ku muteystay falkii uu sameeyay. Taas baddalkeedana waxaa loo ballan qaaday in si sharaf leh looga saari doono ciidamada badda.