Maxaad ka taqaan Labadii dagaal ee dhex maray Masar iyo Itoobiya loogana adkaaday Masaarida?

0

Wa cusub oo kasoo kordhay ismari waaga dhismaha biyo-xireenka Wabiga Nile ayaa sheegaya in dowladda Itoobiya ay ku gacan seyrtay dalab uga yimid dhinaca Masar oo ah inay billaabaan howsha la xiriirta qodista biyo-xireenka, kaasoo ilaa hadda la dhameystiray boqolkiiba 70.

Waxaa biyo-xireenkan laga sameynayaa wabiga loo yaqaanno Blue Nile oo u dhow xadka ay wadaagaan dalalka Itoobiya iyo Suudaan.

Itoobiya ayaa dooneysa inay sanadkiiba biyo-xreeka ka dhisto 40 billion oo mitir labo jibbaaran ah, sida uu sheegay wasiirka biyaha ee waddankaas, Celchi Bekele.

Mar uu kasoo laabtay safar uu ku tagay caasimadda Masar ee Qaahira ayuu wasiirku intaas ku daray: “Arrintan sax ma aha, annaga qudheenna waxaan u baahan nahay horumar mustaqbalka ah, sidoo kale biyahan waxay soo marayaan Suudaan, taasina cadaadis ayey na saareysaa”.

Waxaa kale oo uu sheegay in dalabka kale ee Masar ee ku aaddan biyo-xireenka Aswan uu yahay mid aan la aqbali karin.

Dagaal ma dhex mari karaa Masar iyo Itoobiya?

Maadaama la isku mari waayay wadaxaajoodka, suurtagal ma tahay in arrintu ay isku baddasho ficil milatari?

Dad badan oo ka mid ah kuwa wax indha idheeya waxay sheegaan in dagaalka adduunka ee xiga uu noqon doono mid ay sabab u yihiin biyo, waxaana jira dhowr meelood oo ka mid ah caalamka, oo ay ka taagan yihiin xiisado la mid ah tan ka jirta gacanka Nile.

Ismari waaga dhismaha biyo-xireenka Nile-ka wuxuu horseedi karaa dagaal ku saabsan biyaha haddiiba ay Itoobiya heshiis la gaari weyso Masar iyo Suudaan, inkastoo qolyaha arrintan u dhuun daloola ay rajo ka qabaan horumar laga gaaro xaaladda ka taagan gobolka.

“Masar waxay Hibo u tahay wabiga Nile”, sidaas waxaa oran jiray faraaciintii hore, laakiin waxay Ilaah ahaan u caabudi jireen wabiga Nile-ka.

Kumannaan sano ka hor iyo waliba xilliyadii ugu dambeeyayba, Masar oo gacan ka heleysa gumeystaha Ingiriiska waxay khilaaf ku lug lahayd khilaaf siyaasadeed oo salka ku haya wabiga Nile. Waxay Masaaridu damacsanaayeen in wabiga qulqulkiisa loo soo weeciyo dhankooda oo kaliya,si ay iyaga uun uga faa’iideystaan.

Hase yeeshee, Itoobiya ayaa mar walba hortaagneyd abitaankaas, maadaama ay tahay waddanka uu ku dhammaado wabiga.

Sanado badan ayey taagneyd sheekada la xiriirta in biyo-xireen laga dhiso Blue Nile, balse markii ay Itoobiya billowday inay dhisto biyo-xireenka, waxaa qarxay kacdoonkii dalalka Carabta, Masarna waxay la tacaaleysay arrimo gudaha waddankeeda ah.