Ururka Daalibaan o ugu Baqay Maraykanka inay Dib u bilaban wadhadaladii

0

Kooxda Taliban ayaa BBC u sheegay “in albaabadooda ay u furan yihiin wadaxaajood lala galo ” haddii madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump uu doonayo in dib loo furo wadahadalada mustaqbalka.

Sher MoXammad Cabbas Stanikzai oo wadaxaajoodyada u qaabilsan Taliban ayaa ku adkeystay in wadaxaajoodyada ay yihiin “qaabka kali ah ee nabad loogu soo dabaali karo Afqaanistaan “.

Hadalka Mr Stanikzai ayaa ku soo beegmay toddobaad uun ka dib markii uu Mr Trump uu shaaciyay in wadahadalaad “ay dhinteen”.

Horraantii bishan labada dhinac ayaa u muuqday kuwa qarka u saaran iney gaaraan heshiis lagu soo afjarayo dagaalka halkaasi ka socday 18 sano.

Mr Trump ayaa xitaa 8 bsihan ku casuumay hogaamiyayaasha sarsare ee Taliban iyo madaxwayanha Afqanistaan Ashraf Ghani in ay kulan ku yeeshaan Camp David.

Balse weerarkii Taliban ay ka fuliyeen 6 bishan caasimadda Kabul islamarkana uu ku dhintay askari Mareykan ah ayaa sababay in madaxwayne Trump uu ka baxo wadahadalada .

Balse Mr Stanikzai ayaa beeniyay walaaca Mr Trump’ isaga oo u sheegay BBC in Taaliban ayasn wax qalad ah sameyn.

waxay dileen kumannaan Taliban ah,” balse markii hal askari oo Mareykan ah la dilo taasi micnaheedu ma aha in ay ficil celintaasi muujiyaan sabaabtoo ah ma jirin wax xabad joojin ah.”ayu yiri Mr Stanikzai

“Dhankeena albaabadu way u furan yihiin wadaxaajoodyada, ,”,marka dhinaca kale sidoo kale waa in ay dib uga fikiraan go’aankooda wadaxaajodyada ” ayuu intaa ku daray

Mareykanka waxa uu horey ugu aqoonsanaa kooxda Taliban koox argagixiso ah, dagaal ayuuna kula jiray in ka badan 17 sano.

Balse waxaa muuqata in mareykanka imika uu isku dayayo in qaab wadaxaajood ah uu u maro xal u helidda dhibaatada afqanistaan.

Dagaalyahanada Taliban ayaa soo ifbaxay horraantii sanaddii 1990,waxa ayna markii hore ka billawdeen waqooyiga Pakistan.

Waxa ay kooxdan soo ifbaxday ka dib markii uu dhamaaday dagaalkii midowga Soofiyeet ee dalka Afqanistan.

inta badan xubnaha ka tirsan Taliban ayaa waxa ay u badan yihiin qowmiyadda Pashtun oo ah qowmiyada ugu tirada badan Afqanistan.

Waxaa la rumaysan yahay in markii ugu horreysay oo ay howshooda bilaabayeen ay qarash ka heli jireen dalka Sacuudi Carabiya.

Markii ay Afqanistaan la wareegeen waxa ay kooxda Taliban dalkaasi ku soo rogeen Shareecada Islamka.

Intii ay xukumayeen dalka Afqanistaan waxay kooxda Taliban ay mamnuuceen dhagaysiga heesaha, shaneemooyinka iyo in gabdhaha ay da’doodu tahay 10 sano iyo ka badan ay iskuulada aadaan.

Dalalkii aqoonsanaa intii ay xukunka hayeen Talibaan waxaa ka mid ahaa Pakistan,Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Tiro ka badan 45,000 oo ciidammada ammaanka ah ayaa lagu dilay Afghanistan shanti sano ee la soo dhaafay.