Bam Gacmeed Lagu Weeraray Goob Uu Saaka Khudbad Ka Jeedinaayey Raysal Wasaare Khayre

0

Bam gacmeed ayaa maanta lagu tuuray barxadda xarunta degmada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaasi oo uu khudbad ka jeedinayey ra’iisul wasaraaha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo booqasho ku jooga magaalada.

Bamka oo qofkii soo tuuray uu baxsaday islamarkaana aan la garaneyn ayaa la sheegay inuu ku qarxay meel waxyar u jirta halkii uu Kheyre ka waday hadal-jeedinta, sida ay goob-joogeyaal u xaqiijiyeen

Qaraxa bamka ayaa la sheegay in dhaawacyo fudud uu kasoo gaadhay qaar ka mid ah ilaalada ra’iisul wasaaraha. Ra’iisul wasaaraha ayaa la sheegay inaan marnaba halis gelin, qaraxana uu ka yara fogaa, balse uu naxay oo uu joojiyey khudbaddii.

Dadkii meesha joogay ayaa kala cararay, waxaana kadib dhacay rasaas xooggan oo ay fureen ciidamada Amisom iyo kuwa ilaalada u ah Kheyre, oo garan waayey halka looga yimid.

Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa ku qasbanaatay inuu soo geba gebooyo khudbaddiisa islamarkaana goobta qaraxa ay kala cararaan ciidamadiisa iyo kuwa Amisom.

Illaa iyo hadda lama yaqaan cidda qaraxa ka dambeysay iyo sida ay ugu suurta-gashay inuu bam kula soo dhowaado halka uu Kheyre ka hadlayey. Weli ma jiro wax war rasmi ah oo kasoo baxay xafiiska Kheyre oo ku aadan dhacdadan.

Dhanka kale, wafdiga Ra’iisul Wasaare Kheyre markii ay gudaha u galeen Marka waxaa magaalada qeybo ka mid ah lagu garaacay madaafiic, inkastoo aan weli la xaqiijin khasaaraha ka dhashay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa maalmahan booqasho ku marayey qaar ka mid ah magaalooyinka dalka, isaga oo wada dadaallo u eg olole doorasho, xilli uu qorsheynayo inuu madaxweyne isku sharxo 2021.